WAJAALE NEWS
Hoos U Dhaca Sayladaha Xoolaha Oo Saameeyey Xoolo Dhaqatada Masaakiinta Ah.
September 11, 2016 - Written by Wariye:
filashadii dadka xoolo dhaqatada oo saraysay iyo waxay rajaynayeen iyo hoos u dhaca lama filaanka ah ee ku
Sida aynu ka war hayno dalkeena waxaa ka dhacay abaaro baahsan oo soo noqnoqday kuwaasi oo galaaftay nolosha dad iyo duunyaba , marka aynu.milicsano dhinaca xoolaha waxay u dhinteen baad iyo biyo la,aan halka qaar kalena u dhinteen xanuuno ka dhashay abaarahaa .tusaale ahaan qofkii lahaa laba tiro oo adhi ah una dhiganta (200) neef waxa u soo hadhay ilaa 30 meeyo ama wax ka yar ,halka kuwo kalena noqdeen caydh.
Haddaba dadka intii xooluhu u soo doogeen, sida caadaadda ah bishan arafada waxa furmay sayladaha xoolaha ,si loogu daabulo munaasibada xajka barakaysan ee ciidul adxad.
Laakiin waxaa nasiib daradu ku noqotay, filashadii dadka xoolo dhaqatada oo saraysay iyo waxay rajaynayeen iyo hoos u dhaca lama filaanka ah ee
ku yimid sayladaha xoolaha oo dadkii reer miyiga ahaa ku noqotay guul darro iyo gacmo madhan.
Waayadii hore neefku wuxuu goyn jiray , gabad bariisa iyo gadbad sonkor ah ,imikana arintu way is bedeshay boqolkiiba 30% ilaa 40% hoos u dhac baa yimid.
Waxaan la kulmay hooyo sahra oo ka timid miyiga kuna soo hungowday saylada xoolaha ee magalada hargeysa.
Waxay ii sheegtay inay keentay saylada adhi ahmin ah oo tiradiisu dhan tahay 15 neef , waxaa layga iibsaday 2 neef oo kaliya ,intii kalena gaadhii ay ku soo qaaday ayey dib ugu celiyey. Waxaanay tidhi “ Kharaash uun baanu korodhsanay waa tacab qasaar
.ummaddoo dhana way nala qabtaa .imikiyo haatan ma haysano wax aanu raashi siisano ama carruurtii dharka ciida u siino”
Dad goob goobajoogayaal ahaa ayaa sidoo kale sheegay shirkadihii iibsanayey xooluhu inay iibsadeen intii loo baahna , hiliblihiina qiime jaban oo aan u qalmin ayuu ku doonayo xoolahii lagu tabcay ee intaas oo dhibaato ah lala soo maray.taasina waxay muujinaysaa
In suuqa xooluhu gacanta ugu jiro ganacsato qawlaysato ah oo waliba dhiig miirato ah oo aan u naxariisanay walaalahooda jilicsan ee reer miyiga ah.
haddaba waydiintu waxay tahay ,Haddii aynu sidaa ku sii socotana, maxaa mustaqbalka reer miyigeena u damayn doona ?
Haddii reer miyigu magalada soo galaan xooluhu ma ku hadhi doonaan miyiga ?
Dawladeenu ma dareensan tahay dhibaatadan balaadhan ee ay la kulmeen xoolo dhaqateeddi ?
Sidee ayeynu uga xorownaa ganacsigeenan gacanta ugu galay shirkadahan aan danyarta u tudhayn ?
Hees baa waxay tidhaahdaa
Ninba tacabkii
togooy kaa maal
Markaa waxaan gacanacsatada leeyahay ,haku tumaninee u tudha dadkiina
dawladana waxaan leeyahay miyaad ilawdeen in dhaqaalaha wadeenku inta ugu badan ku tiirsan yahay xoolaha nool?
La soco…………………
W/Q: kamal Xassan Isaaq
Kamaal Xassan Isaaq
Kamalcadow@hotmail.com
Tell: 00252-634402758
Muwaadin Dalkiisa iyo Dadkiisaba jecel.
Hargeysa Somaliland
Related
COMMENTS
|