Hanjabbaada Wasiir Maxamuud Xaashi Ma Tahay Mid Dariiqa U Xaadhaysa Shirqoollo Dhagaraysan.? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanjabbaada Wasiir Maxamuud Xaashi Ma Tahay Mid Dariiqa U Xaadhaysa Shirqoollo Dhagaraysan.?
September 13, 2016 - Written by Editor:

“Warbaahinteennu iyaddoo dunidu sidaa inoo Ammaanayso oo magaceenii iibinayso ayay Been iyo Hadallo yaq-yaqsi leh ka qorayeen Heshiiska DP WORLD”, Wasiir Maxamuud Xaashi

Hargeisa(W,N):-Waxa khamiistii aynnu soo dhaafnay ee Toddobaadkii hore oo taariikhdunna ahayd Siddeedii bisha September 2016-ka, ayaa Wasiirka Madaxtooyadda soomaalilaan Maxamuud Xaashi Cabdi uu Weerar dhanka Afka ah ku qaadday guud ahaan Warbaahinta kala duwan ee soomaalilaan, gaar ahaanna Saxaafadda madaxa-banaan oo uu ku tilmaamay budhcad baddeed qallin duurayaal ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ay hadalkiisa Cadho badani ka muuqato ayaa hadal Aflagaaddo iyo Xajiimayn u muuqday waxa uu ka jeeddiyay Madal lagu kharash-garreeyay Cashuurtii laga qaadday dan-yarta Soomaalilaan oo sida ka muuqatay boodh Far waa-wayn lagu soo Xardhay ahayd mid lagu soo dhawaynnaayo  guddigii Wasiirrada ahaa ee magaalada Dubia heshiiska kula soo saxeexday Shirkadda DP WORLD oo Dekedda caalamiga ah ee Berbera gacanta ku hayn doonta Soddonka-sanadood ee soo socda.

Mr. Xaashi oo Dibnaha u cunnaaya Saxaafadda Madaxa-banaan, isla markaanna aad uga xumaadday Wararka iyo Mawduucyadda kale ee Saxaafadda xorta ahi ku falan-qaynaysay heshiiska madmadowga badan ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Shirkadda DP World ay ku kala saxeexdeen Magaalada Dubia ee xarunta dalka isu-tagga Imaarraadka Carabta, ayaa waxa uu ku dooddayaa inay dul-qaad u leeyihiin waxyaabaha ay Warbaahintu ku dhaliilayso Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

“Madaxweynaha qaranka ugu sarreeya ayaa maalin walba la caayaa oo xishmad leh oo haybaddii qaranka xambaarsan, waxa kale, oo la Caayaa Marwaddiisa, Waxa la caayaa Wasiirradiisa, haddii ay ka waantoobi waayaan waxay tagi doontaa in la toosiyo. Qarankan maalin ayuu Qorigu khatar ku ahaa Waddo kasta uu Nin qori sitaa taagnaa oo Baad dadka ka qaadda, waabase Nin (Suxufi), qallin sita oo doonnaaya inuu Budhcad baddeed noqdo…..Waannu ka xorraynaynaa dalka” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Soomaalilaan  Maxamuud Xaashi oo ka gubtay Dhaliilaha, Galdalloollooyinka, Tacaddiiyadda uu kula kaco Muwaadiniinta, awooddaha dheeraadka ah ee aannu qarsan  Iyo Masuq-maasuqa karkaarrada jabshay ee Warbaahinta maxaliga ah iyo mida caalamiga ahiba ay soo bandhigaan, waxaannu  isagoo Karsan oo dagaalansan uu si cad u shaaciyay Qorshe xidhiidhsan oo yoolkiisu yahay shirqoolo hor leh oo wadada loo sii xaadhannaayo, Cadaawadda uu u hayo Warbaahinta oo uu Mr. Xaashi caddaystay iyo iftiiminta awooddaha uu adeegsan karro haddii aan Sacab iyo Mushxarad lala daba-socon, iyaddoo hadalka Wasiirka mid walba sidiisa loo fasiran karo nuxur ahaan macnaha iyo ujeedka uu uga jeeddo errayadda qaarkood.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi halkaas kumuu is-taaginne isagoo ka xun sida ay Warbaahinta Somaliland ay ula fahmi wayday arrintna Heshiiska DP World oo uu tunka ku sitay, ayaa waxa uu tilmaamayaa wararkii laga baahiyay heshiiskaas Dubia lagu saxeexay, waxaanu yidhi “Nasiib-darro qaybo ka mida Warbaahinteennu iyaddoo dunidu sidaa inoo Ammaanayso oo magaceenii iibinayso ayay Been iyo Hadallo yaq-yaqsi leh ka qorayeen Heshiiska DP WORLD, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyo gacan saddexaad ayaa saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah. Dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan. Ayuu yidhi Mr. Xaashi…….

 

La Soco Qaybo danbe

COMMENTS
LINKS