Halkan Ka Akhri Nuxurka Warqad Ay Dawlada Biritan Kaga Jawaabtay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo Kula Qaaday Wakhtiga Labada Doorasho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri Nuxurka Warqad Ay Dawlada Biritan Kaga Jawaabtay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo Kula Qaaday Wakhtiga Labada Doorasho.
September 16, 2016 - Written by Editor:

Dawladda Britain Ayaa Sheegtay In Beesha Caalamku Walaac Ka Qabaan Go’aankii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Uu Ku Kala Qaaday In Mar La Wada Qabto Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka Oo Hore Loo Qoondeeyay Inay Mar Wada Qabsoomaan Horraanta Sannadka Dambe.ahmed-siilaanyo-dhaban

 

Sida Lagu Sheegay War Murtiyeed  Maanta Ka Soo Baxay Xafiiska Dawladda Britain Ku Leedahay Hargeysa, Waxa Lagu Tilmaamay In Go’aankaasi Uu Wiiqi Karo Kalsoonidii Lagu Qabay Dimuqraadiyadda Somaliland. Hase Ahaatee, Madaxtooyada Somaliland Ayaa Hore Go’aankaa Ugu Tilmaantay Mid Ka Turjumaya Danaha Dalka.

War Murtiyeedkan Dawlada  Ingiriisku Soo Saartey Waxaa Lagu Sheegay In Aanay Beesha Caalamku Diyaar U Aheyn In Ay Bixiso Kharashka Dheeriga Ah Ee Soo Baxa Marka Labada Doorasho La Kala Qaado .

Waxaana Ay Dawladu   Ingiriisku  Si Adag Ugu Baaqdey Madaxweyne Siilanyo  In Labada Doorasho Ee Wakiilada Iyo Madaxtooyada  Uu  Qabto Wakhtigii Maxkamada Sare Go,Aamisay Isla Markana Loo Qoondeyey Oo Aheyd  Bisha Saddexaad Ee Sanadka Soo Socoda

Dhinca Kale Waxaa Lagu Sheegay War Muriyeedkan In  Dawlada UK Aanay Kaligeed Soo Saarin Balse Arigtidaas La Qabaan Dalalka Kala Ah Mareykanka , Sweden, Denmark , EU  Iyo Qaramada Midoobey .

” Dib U  Dhigista Doorashada  Aqalka Baarlamanka Waxaa Lagu Dhawaaqey  Iyada Oo Aan Loo Heynin Sabab Sharci Ah Oo Rasmiyan Ah Iyada Oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare  Hore U Sheegay In Labada Doorasho Ee Wakiilada Iyo Madaxtooyada Mar La Wada Qabto Hortaanta Sanadka Soo Socda Ee 2017.

Dadweynaha Reer Somaliland Waxaa Ay Safaf Dhaadheer  Galeen In Ay Isdiwaangaliyaan Si Ay  U Codeeyaan Labada Doorashaba Iyaga Oo Rajo Ku Qabey In Loo Ogalaan Doono In Ay Codkooga Dhibaan Karaan Wakhtigaasi ”  Ayaa Lagu  Yidhi War Saxaafadeedka

Halkan Hoose Akhri Warqada Oo Luuqada English  Ku Qoran

www

COMMENTS
LINKS