Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadley Kala Qaadista Labada Doorasho Iyo Dhawaqa Ka Soo Yeedhaya Beesha Calamka + Muuqaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadley Kala Qaadista Labada Doorasho Iyo Dhawaqa Ka Soo Yeedhaya Beesha Calamka + Muuqaal.
September 19, 2016 - Written by Editor:

Hargeisa(WN):-Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu markii ugu horeysay  uu ka hadley kala qaadista labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada ee madaxweyne Siilanyo ku sameeyey .

 

“Maanta ima hor joogto kala qaadista doorashadu lakiin marka ay i hor timaado ayaan ka talin doona , wakhti ha iska lumin go,aankeedu waa ii hor imaan doona waanan ka talin doona markaas ” ayuu yidhi .

Sidoo kae gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka hadley dhawaqa ka soo yeedhaya beesha caalamka ee ku saabsan in aan la kala qaadin labada doorasho

” Waar aniga caalamka afka ha ii galinin , Somaliland  baa lana yidhaahdaa , Somaliland na dan bey leedahay danteedana iyada ayaa og ” ayuu  yidhi gudoomiye Saleeban Maxamuud Aadan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
LINKS