Gudida loo Cumaamaday ka Garnaqa Khilaafka Doorasho Aan La Gaadhi Wakhtigeedu Waa BOM Dalada Sonsaf Qaranka Usoo Ma Leegtay!!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida loo Cumaamaday ka Garnaqa Khilaafka Doorasho Aan La Gaadhi Wakhtigeedu Waa BOM Dalada Sonsaf Qaranka Usoo Ma Leegtay!!!.
September 9, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Waxay Ahayd 7/09/2016, kuna Beegan Arbacadii Todobaadkan Markii labada Haayadood Ee Maxaliga ah laguna kala Magacaabo SoNSAF (Dalada Ururada Dalalka Aan Dawladuhu ka jirin) iyo dalada kale Ee Akaadamiga Nabada iyo Horumarinta ay si rasmiya wada jir ugu qabteen kulan ay gunaanadkiisii kaga dhawaaqeen Gudi cusub Oo ay ku magacaabeen (Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada,

DALADA SONSAF

Gudidaasi  oo Madashii lagaga dhawaaqay ay goob joog ku ahaayeen Wakiilo ka socday Sedexda Xisbi Qaran , Ayaa  Xubnihii Halkaa lagu shaaciyay Ee Arintaa cusub loo igmay waxaa kamid ahaa Madaxwayne kuxigeenkii Hore ee xukuumadii Daahir Riyaale, Axmed Yuusuf Yaasiin iyo sidoo kale Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Xukuumadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Muj Cabdiraxmaan Aw Cali (Tolwaa).

Hadaba inkastoo aanay wax shido ahi ku jirin in bulshadu sii Odorosaan waayaha dabiiciga ah ee kusoo waajahan ,hadana waxa Iswaydiin mudan Sobobta  ay labadan Haayadood Ee Maxaliga ah ku kaliftay in ay kasii dayriyaan Doorasho Aan wakhtigeedii la gaadhi, Isla markaana ku mudaysan go,aanka Maxkamada Dastuuriga ah oo ah halkii ugu saraysay Haayadaha Qaranka, Sida ku cad Go,aankii Madaxwaynuhu ku Tahkiidinayay go,aankii ay Maxkamada Sare ku mudaysay wakhtiga Doorashadu Qabsomayso,

Hadii si kale loo Eego Samaynta iyo ku dhawaaqista wakhtigan  ee gudida lagu suntay xalinta  doorashada mar Hadii aanay jirin Duruuf Macquula oo loo Nisbayn karo In labadan Haayadood u cuskadeen abuurista gudigan ,waxaa talaabadooda loo micnaysan karaa ula jeedada ka danbaysa laba arin midkood,

SONSA

Waa Ta horee  waxaa  labadan haayadood dadka qaarkood mudooyinkan danbe ku xidhiidhinayeen in ay xidhiidho togan la leeyihiin xukumada talada haysa, taa marka la fiiriyo waxa iswaydiin mudan  hadii aanu jirtin xidhiidhkaa togan ee ay la wadaagaan xukuumada sideeebay ku ogaadeen in khilaaf ka iman doono doorashooyinka kal danbe dhici doona,taasi waxay ina tusaysaa in dhawaaqoogani Markhaati fur u yahay Xantii ahayd in labadan haayadood ku milmeen xukuumada,

Teeda kale  Masalada labaad  ee Abuurista gudigan loo micnaysan karaa  waxay tahay Hadii aanu jirin Xidhiidhkii aan kor kusoo xusnay waxa sheedan curusteedu ina tusaysaa in ay jirto ujeedado kale oo qaranka oo dhan kawada qorsoon, taasi oo ah in labadana haayadood ku dhex jiraan gacmo Shisheeye oo ay  Ujeedadeedu tahay in ay bulshada kiciyaan, kadib markii ay ka rajo dhigeen ididiiladii ay ka lahaayeen  in ay Dhacdo doorasho  isbadal keenta,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS