|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo si Cad Sheegay in Aan la Dhaafi karin, Qaraarkii Maxkamaddu Soo Saartay 18 August 2015
September 10, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Mar uu ka hadlay madal lagu shaacinayay gudidada khilaafkaada doorashooyinka oo ku taariikhaysnayd 07/09/2016 wuxuu caddeeyey in aan la dhaafi karin, isla markaana aanay jirin meel laga maro qaraar Maxkamaddu soo saartay 18 August 2015, kaasoo lagu sharciyeeyey in doorashooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada mar la wada qabto marka taariikhdu tahay 28 March 2017. Waxaanu yidhi Gudoomiyaha Maxkmada Sare “Dhammaan doorashooyinka dalka ka socda oo dhan isha ayaannu ku haynaa (monitoring) oo waxa aad ogaydeen Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa soo afjartay muddo-kordhintii u dambaysay ee la isku mari waayey (sannadkii 2015), iyadana aayana (Maxkamadda Dastuuriga ah) la soo ciirsaday. Sidoo kale sannadkii 2005, khilaafkii ka jiray doorashada Golaha Wakiillada, waxa soo afjaray Maxkamadaha dalka, imminkana hababkan jira oo dhan ee socda, haddii ay tahay hay’adaha kale ee dastuuriga ah iyo haddii ay tahay waddanka oo dhan waannu la soconaa, waana marjac loo soo noqonayo oo qaraar hore oo Maxkamadeed ayaa yaal oo aanay jirin meel laga dhaafo (qaraarka lagu caddeeyey in doorashooyinku qabsoomaan 28 March 2017)” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali dhanka kale madaxwayne siilaanyo ayaa soo saaray go,aan ka hor imanaya kii maxkmada sare ku sharciyaysay mudada doorashooyinka taasi oo laga cabsi qabo in ay abuurto khilaaf sharci oo dalka halis galiya . Related posts:Cristov Oo U Dhashay Dalka France Oo Ka Waramaya Imaanshiyihiisa Somaliland Iyo Qaadashada Diinta Is... Garyaqaan Mubaarik Aar Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan, Fariina Udiray Xisbiya... Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo Eedo Culus Ujeediyay Xukuumada Madaxwayne Biixi, Muxuuse Ka Yidhi Dib ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|