Guddida Cadaalada JSL Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Go,aanada Garsoorka, Ugana Digay Aflagaadada Bahda Cadaalada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Cadaalada JSL Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Go,aanada Garsoorka, Ugana Digay Aflagaadada Bahda Cadaalada
September 11, 2016 - Written by Editor:

Hargeisa(WN):-Guddida cadaalada somaliland ayaa bulshada uga digtay inay warbaahinta ka af lagaadeeyaan bahda garsoorka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay guddida cadaalada oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha maxkamada sare ahna gudoomiyaha guddida caddaalada somaliland ayaa sidoo kale dadweynaha loogu baaqay inay aqbalaan go,aanada ka soo baxa garsoorka.

Warsaxaafadeedkaas oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan

Maxkamada sare:-

Guddida cadaalada iyo maxkamada sare ee JSL waxay xusuusinayaan bulsha weynta jamhuuriyada somaliland in shaqada hay’addu garsoorku ay tahay Garnaq, soomaaliduna waxay ku maah maahda “Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso” sidaas awgeed dadweynaha aanu adeega u hayno waxaanu u soo jeedinaynaa  inay ku
qancaan go,aanada ka soo baxa garsoorka, xaqoodana ay ku raadsadaan dariiq sharci ah.

Waxa kale oo aanu uga digaynaa dadweynaha in hay’adda  garsoorka laga aflagaadeeyo warbaahinta kala duwan, cidii ku kacdana lala tiigsan doono sharciga, gaar ahaa dadka u shaqeeya hay’addaha qaranka iyaga oo isticmaalaya  masuuliyadii ay u hayeen qaranka JSL.

Waxa kale oo aanu uga digaynaa dadweynaha iyo warbaahinta kala duwanba in la fara galiyo dacwadaha socda ee aan wali garnaqoodu dhamaan.

Dib u habaynta garsoorka iyo guud ahaan cadaaladu way soconaysaa waana qorshe dhaqan galay oo laga soo dhaweeyey dhamaan daafaha dalka oo dhan, hogaanka garsoorkuna waxa uu dagaal kula jiraa dhamaan caadooyinka xun xun inay ka dhex shaqeeyaan garsoorka dhexdiisa sida musuq maasuqa, laaluushka, eexda, qabyaalada iyo dhamaan shaqo xumida.

Ugu danbayn garsoor cadaalad ku dhisani waa laf dhabarta umad kasta oo doonaysa inay ku noolaato nabad, barwaaqo iyo horu mar waara.

Alla Mahad Leh

(Aadam X. Cali Axmed)

Gudoomiyaha maxkamada sare  ahna

Gudoomiyaha guddida cadaalada ee JSL

COMMENTS
LINKS