Donald Trump Oo Sheegay Haddii Uu Kursiga Ku Guulaysto Inuu Tarxiilayo Dadka Sharci darada Ku Jooga Dalkiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Donald Trump Oo Sheegay Haddii Uu Kursiga Ku Guulaysto Inuu Tarxiilayo Dadka Sharci darada Ku Jooga Dalkiisa.
September 2, 2016 - Written by Editor:

Waxa uu ku furay hadalkiisa habeenkii arbacada isagoo faah faahinayo sheekooyinka muhaajiriinta sharcidarada

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee lagu maadeesto fikirka iyo aragtidiisa siyaasada ayaa khudbad u jeediyay taageerayaashiisa isagoo ka hadlayay arimaha socdaalka xili uu ku sugnaa gobolka dhanka xuduuda xiga ee Arizona, saacado ka dib markii uu la kulmay Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto magaalada Mexico City.

Waxa uu ku furay hadalkiisa habeenkii arbacada isagoo faah faahinayo sheekooyinka muhaajiriinta sharcidarada ee gala danbiyada dulmiga badan, isagoo u sheegay kumanaanka joogay xarunta shirarka ee bartamaha magaalada Phoenix in uu “la kulmay dad badan oo ka mid ah waalidiinta caruurtooda ku waayay magaalooyinka iyo meelaha xuduudaha furan”.

Trump, ayaa balan qaaday inuu soo rogi “nidaam dhinaca fikirka” ee ajanabiga doonaya in ay soo galaan Maraykanka, oo ay ku jiraan su’aalo ku saabsan dilalka sharafta haweenka, raga isku galmooda iyo “Islamka xagjirka ah” isagoo wacad ku maray in maalmaha ugu horeeya ee xafiiska haduu guuleesto uu tarxiilayo dadka muhaajiriinta ee sharci darada ku jooga dalkaasi. Waxa uu sidoo kale sheegay in socdaalka laga joojinayo dadka ka yimaada dalalka sida Suuriya iyo Liibiya.

 

COMMENTS
LINKS