Deg-Deg Maxakamada Sare Somaliland Oo Xukun Hadda Kasoo Saartay Dacwadii Xisbiga Ucid
September 25, 2016 - Written by Editor:
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay saaka go,aamo ka soo saartey khilaafkii xisbiga UCID ee labada garab u kala jabiyey .
Maxkamadu waxaa ay go,aamisay in xisbigu mudoo 60 cisho gudaheed ah oo maanta ka bilaabmata uu ku qabsado shir weyne aan caadi aheyn , isla markaana ergada shir weynaha loo raaci doono xeerka xisbiga .
Dhinca maxkamada ayaa waxaa ay sheegtay in gudida qaban qaabada shirweynahas oo ka koobanan doona 10 qof ay kala qaadan doonan min shan xubnood waxaana marjac u noqon doona hogaanka sare ee xisbiga UCID
Sidoo kale waxaa ay maxkamadu burisayo qodobo ka mid ah go,aamadii gudida diwaangalinta ururada siyaasigu ka soo saartey khilaafka xisbigan