Gudoomiye ku xigeenkii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isla markaana ah suxufi ka hawl gala telefishanka madaxa banan ee Horn Cable Tv ugana soo warama magaalada Burco Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa xabsiga loo taxaabey
|
|||||
WAJAALE NEWS
DEG DEG :- GUDOOMIYE KU XIGEENKII URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND EE SOLJA OO XABSIGA LOO TAXAABEY + SABABTA
September 7, 2016 - Written by Editor:Gudoomiye ku xigeenkii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isla markaana ah suxufi ka hawl gala telefishanka madaxa banan ee Horn Cable Tv ugana soo warama magaalada Burco Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa xabsiga loo taxaabey
Wararka ay shabakada Wajaalnews.Net Ka Helayso xadhiga saxafigaas ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka danbeeyey garsoore ka hawl gala maxkamada magaalada Burco kaas oo la sheegay in uu ka cadhoodey isla markaana uu dhibsadey war uu dhawaan saxafigu ku baahiyey bartiisa Facebook . Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa waxaa uu dhawaan barta uu ku leeyahay shabakada ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook ku soo daabacay arin uu ku sheegay in uu mucjiso tahay isla markaana uu la kulmay taas oo ku taxaluuqda nin garsoore ka ah magaalada Burco oo beerka isqaba marka la eedamo kaas oo xanuunka laga jaro marka uu milix cuno oo uu sheegay in uu isagu arintaasi goob joog u ahaa iyada oo ay ku dhacdey garsooraha
Related posts:Dadwaynaha Ku Dhqan Deegaanka Sheekh Ee Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay Dorashooyinka Golaha Wakiilada I... DAAWO ; Xasan Cabdi Caraale Oo Cambaareeyey Buug Laga Qoray Taariikh Nololeedkii Sh. ISAXAAQ (ISAAQ... “Marhadii Caqligii Dawlada Aanu Ku Kala Bixi Weynay, Caqligayaga Ayaanu Ku Kala Baxnay”.Xildhibaan G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|