|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlad Kenya Oo Sheegtay Inay Danaynayso Inay Heshiis Dhinacyo Badan leh La Gasho Dawlada Somaliland.
September 11, 2016 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN):-Dawlada Kenya yaa ku dhawaaqday inay danaynayso inay Somaliland la gasho heshiis iskaashi oo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadaba iskugu jira si loo awoodo in lays garab sado balaadhinta iskaalmaysiga iyo in gacana laga siiyo Somaliland meelaha iskaashgu ku salaysnaan karo sida dhismaha jidadka. Wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Mrs Aamina Maxamed ayaa sheegtay in dalkeedu danaynayo xidhiidh wax wada qabsi ah oo buuxa oo ay la yeeshaan dawlada somaliladn isla markaana waxay xustay in xidhiidhku yahay mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Wasiirku waxa kale oo ay xustay in Kenya iyo Somaliland iska kaashan karaan dhinacyada kalluumaysiga,beeraha,xoolaha nool,caafimaadka,waxbarashada iyo waliba macdanta,waxa kale oo ay intaa ku dartay inay jiri karaan waxyaabo kale oo xiiso leh oo ay iska kaashan karaan labadan dal. Wasiirka arimaha dibada Kenya waxay sheegtay inay haatanba ay Somaliland ka shaqeeyaan oo ay joogaan dad badan oo xirfadlayaal ah,kuwaasi oo u jooga shaqooyin kala duwan oo ay ka hayaan Somaliland sida Macalimiin,shaqaale ka shaqeeya hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawl gala Somaliland,hay’daha caalamiga ah kuwa wadaniga ah iyo meelo kale. “Waxaanu leenahay khibrad wanaagsan,waxaanu leenayay awoodii iyo aqoontii marka waxaanu awoodnaa inaanu taayadaa u wareejino xagaa inaan dirno shaqaale sida kalkaalisooyin caafimaad,macalimiin waxaanu haysanaa tiro fiican,marka dhib naguma ah inaanu u dirno Somaliland si ay halkaa uga hawl galaan oo ay uga shaqeeyaan,Somaliland waxa jira dhismaha wadooyin badan anaguna waxaan leenahay kambaniyo dhismaha jidadka iyo magaalooyinka ah oo qorshuhu yahay inay tagi karan halkaa si ay u kaalmeeyaan,taa macnaheedu waxa weeye Kenya waxay u baahan tahay inay heshiiska iskaashi la gasho dawlada Somaliland”sidaas ayay tidhi wasiirka arimaha dibada Kenya Mrs Aamina Maxamed. Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ayaa bilowday xilli hore hase’ahaaree warbixintan oo ay baahisay Chamsmedia waxay xustya in danaynta Kenya ee iskaashi ay la samayso Somaliland uu bilaabmay wakhtigii uu wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis isla markaana uu hawl shaqo u tagay dalka Kenya. Hore ayaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu ugu dhawaaqay inay Somaliland mudan tahay in la aqoonsado,waxana jiray socdaalo ay Somaliland ku yimaadeen masuuliyiin,xildhibaano iyo ganacsato ka socda dalka Kenya kuwaasi oo socdaalkoodu salka ku hayay sahaminta suuqyo oo ay Kenya u heshi baayacmushtaarigeeda ganacsi. Wajaalenews.net Related posts:Wasiirka Beeraha iyo Wefti ka socda Dalka Jarmalka oo Kormeer ku tagay Dhul beereedka Deegaano ka t... WAR DEG DEG AH- Doonyo Ay Saarnaayeen Tahriibayaal U Badan Soomaali oo 24 Saacadood Ku Xanibnaa Badd... Ciidamada Bashar Al Asad Oo Qabsaday Caasimadda Labaad Ee Dalkaas Iyo Dagaal Yahanadii Mucaaridka Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|