DAAWO ; Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Bilowday Dhagaysiga Kiis Noociisu ku Cusub Yahay Somaliland iyo Tirada kaaliyayaal Arinmahaasi Loo Xidh Xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Bilowday Dhagaysiga Kiis Noociisu ku Cusub Yahay Somaliland iyo Tirada kaaliyayaal Arinmahaasi Loo Xidh Xidhay
September 8, 2016 - Written by Editor:

Face-Book Been Abuur Ah Oo Keenay Xadhiga 6 Kaaliye Oo Ka Tirsan Maxkamada Hargeysa,

Hargeysa (W,N )Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay sababta keentay in la xabsiga loo taxaabo qaar ka mid ah Hawl-wadeeno ka tirsan Maxkamadaha racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeisa. Waxaanay Maxkamadu sheegtay in Dadka la xidhay ay samaysteen Face-book account been abuur ah lagana been abuuray Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka M/ jeex “ Cali Suudi Diiriye” Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil “ Halac” ayuu kaga sheekeeyey sababta waqtigan keentay inay xabsiga u taxaabaan kaaliyayaashani, “ Face-book been abuurka ah waxa lagu faafiyey warar been abuur ah oo boro-bogaande ah, looguna talo galay in layskaga hor keeno bahda Caddaalada iyo Garsoorka” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Dalmar. Waxa kale oo uu yidhi “ baadhistii kiiskani way socotaa, waxana gacanta ku haya Hay’adaha baadhista Dambiyada. Waxanay Maxkamada ka soo codsadeen waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaaliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin” waxana war-saxaafadeedkan lagu soo gabagabeeyey “ waxa la hor keeni doonaa Maxamad awood u leh iyaga oo heli doona garnaq Caddaalad ku dhisan”

COMMENTS
LINKS