Baaq: Ma Haboona in Colaadii laga Soo Raray Barigga Somaliland Loosoo Xawilo Galbeedka Somaliland.Aqoonyahan Yuusuf Budle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baaq: Ma Haboona in Colaadii laga Soo Raray Barigga Somaliland Loosoo Xawilo Galbeedka Somaliland.Aqoonyahan Yuusuf Budle
September 2, 2016 - Written by Editor:

COLAAD LA XAWILO HADDAA IIGU HORAYSA:

Baaq: Ma Haboona in Colaadii laga Soo Raray Barigga Somaliland Loosoo Xawilo Galbeedka Somaliland.Aqoonyahan Yuusuf Budle

Waxa aan soo jeedinaynaa in laga waantoobo isku liska iyo midiyo isugu dhiibka beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanada woqooyiga Hargeysa.

Wax macno ah oo ay haba yaraatee samaynaysaa ma jirto in 6 (lix) goobood oo lagu muransan yahay maanta lagu daadiyo dhiig. Waxa ay arrintanu tahay tii wakhtigii doorashooyinkii Madaxweynuhu soo dhawaayeen 2009/2010 dhiiga loogu daadinayay Ceelbardaale, iwm. Waa tii dhiiga loogu daadinayay wakhtigii doorashooyinka deegaanku soo dhawaayeen deegaanada Kalshaale, iwm.

Waxa aan filayaa in aanay colaadu nina dan u ahayn, marka laga reebo nimanka ku walfay siyaasada iyo ka dilaalka dhiiga shicibka walaalaha ah.

Samaroon iyo Sacad Muuse, Dhulbahante iyo Habarjeclo waa ul iyo diirkeed, ilaahbaana is baday, mana aha dad uu Siilaanyo wada dejiyey shalay amaba uu maanta kala rari karo. Waa dad walaalo ah oo qarniyo soo wada degenaa meel ay u kala guurayaana aanay jirin, marka waxa aan soo jeedin lahaa in la iska qabto shaqsiyaadka belo-afuufka ah ee raba in ay dabka shidaan.

Waxa aan si gaar ah fariintan ugu dirayaa xukuumadda Somaliland oo uu waajibkeedu yahay in ay nabada keento ee aanay ahayn in ay colaada afuufto. Waxa kale oo aan iyagana xasuusinayaa xisbiyada mucaaridku in aanay arrinka siyaasadayn oo aanay ka raadin gool ay ka dhaliyaan xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ee ay u arkaan arrin qaran ayna si weyn uga shaqeeyaan xal u helida arrinka.

Ugu dambayn, waxa aan u dirayaa baaq nabadeed dhamaanba dhinacyada isku haya 6da goobood ee sanduuqyada la geeyey. Waxa aan xusuusinayaa in ay arrintanu tahay mid laga soo shaqeeyey oo loogu talo galay in la isku dhufto reeraha walaalaha ah ee wada dega deegaanadan, sidaas awgeed aanay noqon dad lagu fushado danaha siyaasadeed, dhiigoodana u quba niman dano siyaasadood ka leh, laakiin aan la wadaagidoonin murugada iyo dhagarta ka imandoonta dagaalka ay aloosayaan. Agoonta iyo dumarka asayda qaadidoonta waxa leh beelaha walaalaha ah ee la isku-dhufanayo. Xusuusnoow in Siyaasiga iyo Suldaanka maanta bootaynayaa aanay xaasaskoodu asayda qaadidoonin, ciyaalkooduna aanay aabayaashood waayidoonin ee ay sii naaxnaaxidoonaan marka ay idinka dantooda idinku fushadaan.

Waxa a aan soo jeedinaynaa in aanay labada reerood ku baaqin shirbeeleedyo dabka lagu shidayo ee la qabto shirweyne ay Cuqaasha iyo Waxgaradka beelaha Samaroon iyo Sacad Muuse isagu yimaadaan oo arrinka lagaga wada hadlo.

Waxaan Illahay ka baryayaa in uu inoo xoojiyo nabadda ka hilaacday gobolada barigga Somaliland, inoogana dhigo mid waarta oo anfacda dhamaanba dhasheena mustaqbalka. Waxa aanan ilaabi karin in aan mahad balaadhan iyo ducoba usoo jeediyo dhamaanba dadkii nabadaas kasoo shaqeeyey, gaar ahaan kuwa qarsoon ee xoog iyo xoolaba geliyey iyaga oo aan magac iyo manfactooda ka doonayn.

 

Guul iyo Gobonimo

 

Yusuf Budle, NURP Chairmanyuusuf budle

COMMENTS
LINKS