“Adiguna Muuse Biixiyow Ma Madaafiic Ayaad Namarin Annaguna Maanu ku Soo Ducaynaa Oo Waliba Ducaanu kugu Darnaa?. Caqligii Madaxweyne Doonaayay Maha kaasi,Xildhibaan Aareeye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Adiguna Muuse Biixiyow Ma Madaafiic Ayaad Namarin Annaguna Maanu ku Soo Ducaynaa Oo Waliba Ducaanu kugu Darnaa?. Caqligii Madaxweyne Doonaayay Maha kaasi,Xildhibaan Aareeye
September 1, 2016 - Written by Editor:

Boorama(Wajaalenews) Xildhibaan Cali Aareeye oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Salel, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna murashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, inuu masuul ka yahay muranka ka taagan goobaha lixda ah ee Xeebta oo siweyn loogu muransanyahay Diwaangalintooda.

Xildhibaan Cali Aareeye oo saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Boorame oo ay shir jaraa’id ku qabteen Xildhibaanada Wakiilada iyo Guurtida kaga jira Gobolada Awdal iyo Salel, wuxuu yidhi. “Waxaan maqli jiray Ciidamadda Isra’il ayaa degaamayn ka wada Daanta Galbeed ee Falastiin, waxaan Muuse Biixi weydiin laha waar goorma ayaad Isara’il noqoteen, Ciise iyo Gudabiirsina Falastiin noqdeen, dad xigaal ah oo wada deegan ayaan nahay cid naga kiix xigtaa ma jirto, Ciidamo ayaa lageeyay degaanadii dadkayagiina way ka qaxeen waxaanse idin sheegaya haddii bilaayo qaraxdo lama kala Xoogweyna”. Xildhibaan Aareeye oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi.

“Xalay wuxuu yidhi Muuse Biixi Murashaxa KULMIYE, xagga Awdal hanjabaad laguma aqoonin, ducaa lagu yaqaanay ee noosoo duceeya, adiguna Muuse Biixiyow ma madaafiic ayaad namarin annaguna maanu ku soo ducaynaa oo waliba ducaanu kugu darnaa?. Caqligii Madaxweyne doonaayay maha kaasi, maha garashadii hagaagsanayd ee dadka Somaliland ku wadatashadeen maha taasi”. Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye.

COMMENTS
LINKS