Xogta Ku Lamaan Xil Ka Qaadista Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogta Ku Lamaan Xil Ka Qaadista Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor
August 15, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Maareeyihii hore ee dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor ayaa ka mid ah masuuliyiintii xalay ay seeftu qaaday ka dib isku shaandhayn balaadhan oo uu xalay xukuumadiisa ku sameeyay madaxweyne Silaanyo,waxaana jira xogo ka soo baxaya sobobta kaliftay in waqtigan oo mashqqul tahay dekeda Berbera jirtana maalgalintii ugu balaadhnayd ee abid lagu sameeyo dekeda Berbera in  xilka laga qaado maareeyaha dekeda Berbera oo mudo dheer hayay xilkaas.

Waxaana ay tibaaxayaan xogo ka agdhaw madaxtooyada oo ay heshay dagalkan wararka ee wajaalenews in halka laga qaniinay maareeyaha dekeda Berbera tahay in dhawaan wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo inanka uu sodoga u yahay madaxweynuhu Baashe ay samaysteen shirkad ka shaqaynasa amniga dekeda Berbera taasi oo shaqadeedu tahay la wareegida aminga ee maraakiibta ku soo xidhanasa dekeda oo isugu jira kuwo ku nasanaya dekeda iyo  kuwo alaab sidaba.

Waxaanay ilahani tibaaxayaan in Maareeye Xoor Xoor ganafka ku dhuftay kana diiday in la sameeyo shirkadaas isaga oo ku taliyay in aminiga loo daayo cidii awalba lahayd waajibaadkeega, waxaanay ilo wareedyadani intaas ku darayaan in xataa ay u soo bandhigeen maareeyaha in uu ka mid noqdo saamilayda shirkdan,waana mid ka mid ah sobobaha keenay in xilka laga xayuubiyo maareeyaha.

COMMENTS
LINKS