Xigmadihii Odayaashii Hore Ee Soomaaliland; Cali Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xigmadihii Odayaashii Hore Ee Soomaaliland; Cali Coomay
August 16, 2016 - Written by Editor:

Sheekh Cali Ayaanle: wuxuu ahaa Sheekh caalim ahaa oo diinta heer sare ka gaadhay, kana soo jeeda Gobolka Awdal. Sheekhu wuxuu si weyn uga soo horjeeday dagaalkii uu Maxamed Siyaad Barre kala dhexdhigay beelihii Soomaalilaan ku noolaa wakhtigaasi, gaar ahaan Isaaq iyo Gadabuuris. Sheekha ayaa la sheegay inuu 1988-kii ilaa 1991-kii uu jiifay ama bukay oo uu sariir dul saarnaa, marka lagu yidhaa Sh. Cali halkee lagaa hayaa? Wuxuu odhan jiray” Aabahay iyo hooyaday ayaa calooshayda ku dhex dagaalamaya.” Weedhaasina wuxuu ku muujinaayey siduu u diidanaa dagaalkii beelaha Gadabuursi iyo Isaaq. Shacabkii uu Sheekha u ahaa wuxuu ku odhan jiray SNM hala dagaalamina, waa walaalihiin, berri ayuu Siyaad iska tegi, idinkuna ma kala tagaysaan. Sariirtii uu jiifsaday 1988-kii wuxuu ka soo toosay 1991-kii, markii dagaalkii dhammaaday.

Tix-Raac:

Cali Qoryooley………Dhacdo iyo Dhaqan (201

COMMENTS
LINKS