Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Wariye La Horgeeyay Maxkamadda Ciidamada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Wariye La Horgeeyay Maxkamadda Ciidamada.
August 22, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland ayaa walaac ka muujisay dacwadaha lagu qaado dadka rayidka ah ee ay dhagaystaan maxkamadaha ciidamadu.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay joojiso dacwadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay qaado maxkamadda ciidanku.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka oo arimahaasi lagaga hadlay oo soo gaadhay Somalilandtoday ayaa u dhignaa sidan

Waxa hada ka socota Hargeysa dacwad ciqaab ah oo ay dhegaysanayso maxkamadda derejada koowaad ee ciidanka iyada oo ay eedaysanayaal ka yihiin Maxamed Amiin Jibriil oo ah suxufi madax-banaan, Safiya Jibriil iyo gabadh booliis ah oo lagu eedeeyey “af-lagaado iyo hanjabaad” la sheegayo in loogu diray fariimo moobayl qof kale oo rayid ah.

Sida ku cad qodobka 104(1) ee dastuurka Somaliland, maxkamadaha ciidanku waxaay qaadayaan dacwadaha ay dhanka ka yihiin xubnaha ciidanka qaranku.

Dacwad kale, waxa 24kii July 2016 maxkamadda ciidanku ay dil kaga xukuntay sideed qof oo rayid ah dilkii taliyiihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil halka ay toban kalena ku xukunta xadhig u dhexeeya sideed bilood ilaa todoba sanadood.

Dastuurku uma ogolaanayo maxkamadda ciidanka inay qaado dacwad eedaysanayaashu ay yihiin dad rayid ah.

Dastuurka Somaliland waa sharciga u sareeya dalka. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay joojiso dacwadaha dadka rayidka ah ee ay qaadayso maxkamadda ciidanku.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
LINKS