|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirrada Magaca Somaliland Xilalka Kaga Haya Soomaaliya Iyo Xildhibaanno Caan Ah Oo Markii U Horeysay Caddaalad-daro Ka Sheegtay Dawladda MUQDISHO
August 18, 2016 - Written by Editor:Muqdisho, (Wajaalenews) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka-xanaf iyo Cabdillaahi Xaaji Cali oo dhammaantood Magaca Somaliland xilal kaga helay Dawladda Soomaaliya, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Magaalada Muqdisho ku sheegay in Dadka Reer Somaliland ee halkaa ku sugani aanay ka qayb-geli doonin Doorashada la filayo inay Sannadkan ka dhacdo halkaasi. Shirka jaraa’id oo ay Goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Maareeye, Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Caydiid Ilka-Xanaf iyo Xildhibaannada kala ah Cabdalle Xaaji Cali, Cismaan Cilmi Boqorre iyo Xildhibaan Cilmi Maxamuud, ayaa waxay ku caddeeyeen inay ayidsan yihiin dhawaaq Odayaasha dhaqanka Reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho hore ugu sheegeen inaan Dadka ay matalaan ka qayb-geli doonin Doorashada Soomaaliya, iyaga oo Madasha Wada-tashiga Soomaaliya ku eedeeyay in aanay si caddaalad ah Dadka Reer Somaliland ugu qorsheynin xubnaha ay ka helayaan Aqalka Sare iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somaaliya. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, “Waxaanu leenahay Madaxda Madasha Wada-tashiga Soomaaliya dib u eegaan Qaabka loo Maamulay Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, aqalka sare waa inuu isku keenaa Jamhuuriyaddii Soomaaliya, haddaanu hadafku kaas ahayn qiimo weyn ma soo kordhinayso Koonfur oo Gobollo loo jar-jaraa.” Xildhibaan Cilmi Maxamuud, oo isaguna halkaa hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ka caddeynaynaa inaanu Ayidsanahay Go’aankii ay qaateen Golaha dhaqanka ee Beelaha Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, kaasi oo ahaa in aanaan Haba-yaraatee ka qayb-gelin doorashooyinka la filayo in laga qabto Soomaaliya..” Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali oo ka mid ah Xildhibaannada Reer Somaliland ee muddada dheer aaminsanaa Midnimada Soomaaliya oo isaguna halkaa hadal kooban ka soo jeediyey baa yidhi, “Waxaanu aragnaa in Madasha Wada-tashigu aanay Xal u keenayn Soomaali, waxaanu aragnaa in aanay Sharciga ku fadhiyin, haddii aad Dastuurka Baal-marto Sharciyadda waxaad soo saartaa waxba maaha, Madashu waa 7 Nin oo is-cajabiyey.” Waxa xusid Mudan inuu Madasha Shirka jaraa’id lagu qabtay uu ku sugnaa Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Nuur Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|