Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Wada Hadalada U Furmay Xukuumadda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Wada Hadalada U Furmay Xukuumadda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo.
August 14, 2016 - Written by Wariye:

wasiiroHargeysa(WJN):-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa si wada jira uga hadlay wada hadalada u bilaabmay xukuumadda Somaliland iyo kooxda khaatumo.

Ugu horeyn wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa si kooban uga hadlay wada hadalada labada dhinac u furmay waxaaanu yidhi.
“Somaliland waa dal wax kaste oo khilaaf ah oo dadka dhexdiisa ka jira lagu dhameeyo wada hadal,waxa noo bilow ahna maaha ee waa caadada Somaliland ayaa sidaas ah,iminka wada hadalkan khaatumo waxay ka dhigan tahay in dad reer Somaliland ah lala hadlayo oo waxii khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal”.

Sidoo kale wasiir Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay hadalada ku saabsan heshiiska dekeda berbera ee kasoo yeedhaya masuuliyiinta dawlada somaliya waxaanu yidhi.

“Dekeda beriberi waxay ku taalaa Somaliland ee Somaliya kuma taalo ,in maamulka somaliya uu ka hadlo waxaan dantooda ahayna waa laga qurux badan yahay,waxaalo badan ayaa u yaala oo ka baylahsan ee waxyaabahaas haku eekaadaan oo Somaliland iyo dekeda berbera yaanay ku mashquulin,somaliya waanu kala hagaagnay waxaana haboon oo kaliya In lays ixtiraamo oo sidii laba dawladood oo jaar ah oo walaalo ah u wada dhaqano,mana aha somaliya inay iska indho tirtp xaqiiqada oo ay been iskugu sheegayso,wada hadal ayaana u dhaxeeya Somaliland iyo somaliya,waxaana leeyahay wada hadaladaas si niyad sami ah uga qayb gala iskana daaya xaasidnimada iyo hadalada aad leedihiin Somaliland cid matasha ayaa somaliya joogta”

Wasiir Sacad oo ka hadlaya siyaasiyiinta u dhashay Somaliland eek u sugan xamar ayaa waxa uu yidhi.

“Cid Somaliland wakiil ka ah ma joogto xamar,laba wadana waanu kala nahay somaliya,laakiin cidii muwaadin ah ee u dhashay Somaliland ee doonaya inay soo noqdaan xilna aan ka hayn,walibana aan ku kicin wax qaranka duminaya oo aan dastuurkana jabin,jiritaanka iyo madaxbaananidana Somaliland-na aan ka hor imaan dib ayay usoo laaban karan,laakiin cidii xil ka qabatay Somaliya,Somaliland-na ka hortimid ee doonaya inay dib usoo laabtaan sharciga ayaa loo eegayaa oo waxii sharcigu ka yaalo ayaa laga yeelayaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaguna la hadlay wargeyska Geeska Africa ayaa dhinaciisa ka hadlay wada hadalka u bilaabmay Somaliland iyo kooxda khaatumo,waxaanu yidhi.

“wada hadaladani waa talaabo sax ah oo dhinaca wanaagsan loo qaaday,nimankaasina waa rag u dhashay Somaliland oo deegaan ku ah markaas hadii ay yidhaadheen wada hadal ayaanu ogol nahay waa lala hadlayaa kolayna shirar badan baa la galayaa waxyaalo badana waa laga wada hadlayaa waana is afgaran doonaa hadii alle idmo”.

Sidoo kale wasiir Cadami ayaa isna ka hadlay dadka u dhashay Somaliland ee ku sugan xamar waxa laga yeelayo ayaa waxa uu yidhi.

“Qofku gaf wuu samayn karaa dawladiisuna way saamixi kartaa balse odayaasha kasoo jeeda Somaliland ee muqisho jooga ee sheegay inay Somaliland dib ugu laabanayaan kolay way kusoo hungoobeen oo dalkoodii ayay ka carareene waxii ay xamar ka doonayeen kamay helin,inay dalka kusoo laaban karaana shakhsi kama hadli karo ee waxa go’aan ka gaadhi karta dawlada oo qudha sababtoo ah qaran baynu nahay sharcina waynu leenahay”sidaas ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Ugu danbayntii wasiir Cadami ayaa ka hadlay heshiiska dekeda berbera iyo hadalada kasoo yeedhaya xukuumadda xamar waxaanu yidhi.

“Xamar iyo maamulka ka taliyaa shaqo kuma leh dekeda berbera iyo heshiiska toona inay ka hadlaana wa qalad.”

Xigasho Geeska

Hargeisa Office
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS