WASIIRADU MIYAY WADA SOCDEEN MISE WAY KALA SOCDEEN!!! ;MUJ CALI GURAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WASIIRADU MIYAY WADA SOCDEEN MISE WAY KALA SOCDEEN!!! ;MUJ CALI GURAY
August 7, 2016 - Written by Editor:

Wakiilada waxa khuseeya siyaasadda iyo sharciyadda ku gadaaman Heshiiska Maalgashiga DP World(The Plitical And Legal framework Of The DP World Investment Ageement). Marka Wasiirka Maaliyadu ay leedahay heshiisku wuu dhan yahay waxan filayaa inay u jeedo uun intii idin khusaynaysay ee shaqadiina ahayd markaa waa runteed. Marka uu Wasiirka Arimaha Dibaddu leeyahay ma dhama iyaduna runtii bay noqon kartaa oo wuxu ka hadlayaa baan is leeyahay tafaasiishii hoose ee farsamo lama socoto (Technical Details not included) dabcan loomana baahnayn inay faahfaahinta hoose ee arimaha farsamo oo dhan uu wato waayo waxa khuseeya sharci dejintu waa Siyaasadda iyo Sharciyadda oo Mashruuca u ah waageerka ku gadaaman ee lagu ilaalinayo in aanu ka bixin ama mus dambeedkaba u ah.

Marka reerku guri uu dego ooda dusha ayaa korka sare lagaga wareejiyaa. Dhamaan aqalada, xeryaha geela, xeryaha adhiga, edegyada nirgaha iyo naylaha iyo weliba ardaayadu oo dhami waxay ku dhex jiraan ooda sare ee mus dambeedka la yidhaa wax ka baxsanina ma jiraan.

Markaa mashruucu hadaanu lahayn sharciyad waa reer aan oodnayn oo aan kala oodnayn ee is dhex qaada oo muranka buuqa iyo is qabsigu badanayay. xoolaha geel iyo adhi iyo inta kale maca dadku aan waxa kala xadaynayaa jirin. Marka reerku degayo wuxu ku degaa tusmo qoys waliba halka uu degayo tusmo ayuu ku degaa waana xeer oo waa la yaqaanaa.

Waxan uga socdaa Wakiilada xaq waxay u leeyihiin inay Heshiiskan ansixiyaan ama diidaan maaha tafaasiisha hoose ee farsamo ee waa siyaasdda iyo sharciyadda ku gadaaman ee wixii ka baxsan ama ka horimanayaa uu xadgudub ku yahay sharciga. Lakiin wixii aan ka baxsanayn sharciyadda sidii la doono ayaa loo dhigi karaa waana arimo farsamo.

Sidaa daraadeed waa la odhan karaa labada wasiir way kala hadleen ama waxa odhan karaa waxay ahayd is faham la’aan uu midna ka hadlayay intii Khusaysay Sharci dejinta oo wuu dhan yahay ah midna ka hadlayay maca tafaasiisha farsamo ee ugu yar yar oo markaana ah ma dhama.

Hadda waa malahayga uun ee cidna waxba maan waydiinin

COMMENTS
LINKS