|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirada Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Silaanyo Oo Noqday Golihii Sare ee Kacaanka Maxamed Siyaad Bare ee 21 ka Sano Talinayay Iyo Isku Shaandhayntiisii Ugu Danbaysay Oo Aanay Ka Muuqan
August 15, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaale)Tan iyo Markii uu madaxweyne Silanyo qabtay talada dalka, waxa ay shacabwaynaha reer Somaliland sida fiinta uga qaylinayeen sad buursiimo ay ka tirsanayeen madaxweynahooga ay doorteen, iyaga oo inta badan ku dhaliilayay dhinaca wax wada qaybsiga kuna eedaynayay in uu mar wallba sadbuursiimo siinayay beeshiisa, haday noqoto dhinaca mashaariicda,iyo khayraadka kala duwan ee dalka. Hadaba waxaa markhaati ah in mudadii uu madaxweyne Silaanyo talada dalka hayay uu sameeyay isku shaandhayn kala danbeeyay sida uu u fasaxayo dastuurka dalku, waxaana intaaba xilka laga qaadayay masuuliyiin tiro badan, balse waxaa nasiib daro noqotay in mar walba aanay ku jirin wasiirda ka soo jeeda beeshiisa oo saami ahaan dhan afar wasiir isku shaandhayn kasta oo uu sameeyo madaxweyne Silanyo. Waxaana isku shaandhayntan ugu danbaysay oo sida la filayo ah tii aakhirka ahayd ee uu sameeyo madaxweyne Silaanyo mudo xileedkiisa ay amakaag iyo anfariir ku noqotay bulshawaynta Somaliland oo si kadis ah liiska isku shaandhaynta ugu arkay wasiiradii ugu tunka waynaa oo seeftu qaaday iyo kuwii ay madaxweynaha isku haybta ahaayeen oo aan ka muuqan liiska waxaana 24 kii saac ee ugu danbeeyay si wayn looga faaloonayay faras magaalaha iyo meelaha lagu shaaheeyaba si wayn looga hadal hayay taas oo noqonasa boog wayn oo ku taal madaxweyne Silaanyo oo in muda ahba Shacabku ku xamanayeen hogaamiye Qabyaalada Roog Cas u Dhigay. Dhinaca kale Wasiiradan ay isku haybta yihiin madaxweynaha oo saami ahaan dhan afar ayaa ah marwalba wasiirada ugu tunka wayn golaha wasiirada kuwaasi oo ay had iyo jeer ka muuqato kalsooni madaxweyne qaarkoodna lagu xantaba in ay iyagu isku shaandhaynta sameeyaan. Wajaalenews Hargaysa Office Related posts:Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Maroodi Jeex Oo ka Dareen Celiyay Xilka Uu Madaxwaynaha Jsl Umagacaaba... Madaxweynaha Jsl oo ka qaybgalay Munaasibad xuska sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska... DAAWO; Sheekh Adam-siira Oo Si Adag Uga Hadlay Xaqiiqada Dhulka La Sheegay In Madaxtooyo Cusub Laga ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|