“Warbaahintu Aniga Waxay Ii Caydaa Ciidagale Ayaan Saxaafad Lahayn” Faysal Cali Waraabe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Warbaahintu Aniga Waxay Ii Caydaa Ciidagale Ayaan Saxaafad Lahayn” Faysal Cali Waraabe.
August 29, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si ay aqoon darro ka muuqato u weeraray qaar ka mid ah warbaahinta madax-banaan gaar ahaan wargaysyada ka soo baxa Hargeysa qaarkood.

Faysal Cali Waraabe ayaa hadal naxli iyo qabyaalad u badnaa oo uu ka jeediyey madal lagu soo bandhigayay buug ku saabsan taariikhda Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu si gaar ah u weeraray wargaysyo uu ka mid yahay wargayska madaxa banaan ee Somalilandtoday oo uu ku sheegay inuu isaga daba dhigtay isla markaana uu ku eegtay warbaahin la’aanta beeshiisa haysata waa siduu hadalka u dhigaye,  waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaa jirta jariirad la yidhaahdo Somalilandtoday waxay ahayd bahal aad iyo aad dawladda u taageerI jirtay, waxa la odhan jiray Xirsi-baa leh, iminkana waa Mucaarid, Foore waxaa la odhan jiray Xasan Cabdi Madar ayaa  leh,  hadda waa Mucaarid, Waaheen-na waxaa la odhan jiray Cabdicasiis Samaale ayaa leh, markaa waxaan is idhi aniga warbaahintu waxay i caayaan Ciidagaluhu Jariidad ma leh” sidaasi waxa yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka sheekeenayay balafta uu suuqa iyo goobaha fadhiga ka maqlo,  inkastoo taasi ay muujinayso xog la’aanta uu Faysal ummadda u sheegayo ee ah sidaa ayaa la laha ama la odhan jiray.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu xidhiidh la soo sameeyey Wargayska Somalilandtoday, ka hor hadalkiisa uu Xaflada ka jeediyay wuxuu Tafatiraaysha Somalilandtoday ka codsaday inay joojiyaan ereyga Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad oo uu kala masuugay Mujaahid Cali Yuusuf Axmed (Cali Gurey),  hasayeeshe kadib markii ay bahda Wargayska Somalilandtoday ay Faysal Cali Waraabe la galeen  dood dhinaca sharciga Xisbiga ah oo banaynaysa inay Cali Gurey u aqoonsan karaan Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID ayuu Faysal Cali Waraabe ku tiraabay erayo aan munaasib ku hayn masuuliyada uu sheeganayo ee heer Guddoomiye Xisbi ah, wuxuuna yidhi.

“Adeer haddii aad waxaas joojin waydaan qabiil qabiil ayaynu isu dili, Kan yar ee Habarjeclo ee Muniir-na aniga Hargeysa igu dhex caayi maayo wallahi waa iga dhabe, qabiil ayaynu noqon doona,  adeer aynu kala xishoono”. ayuu si cadho leh u yidhi Faysal Cali Waraabe, kadib telefoonkii uu kula hadlaayay hawl wadeenadana Wargayska Somalilandtoday wuu dhigay.

Ma jirto arrin gaar ah oo dhex martay Guddoomiyaha iyo bahda Somalilandtoday aan ka ahayn inuu Wargayska Somalilandtoday soo bandhigay cadaymo muujinaya inuu gacan yare u noqday hoggaanka Xisbiga KULMIYE, oo ay kala laba Xisbi yihiin UCID, balse uu ku afgobaad sanaayay waxaad Cali Guray ugu yeedhaan Guddoomiye ku-xigeenka Sadeexaad oo aanan ogolayn.

COMMENTS
LINKS