War DegDega:Waftigii Madaxweyne Silanyo Oo Ku Soo Guryo Noqday Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War DegDega:Waftigii Madaxweyne Silanyo Oo Ku Soo Guryo Noqday Caasimada Hargaysa
August 21, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)August.21,2016-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo waftigii uu hogaaminayay ee maalmihii u danbeeyey socdaalada ku marayay gobolada bariga Somaliland ayaa hadda dib ugu soo guryo noqday caasimada Somaliland ee hargeysa.

Waxaana madaxwaynaha iyo waftigan oo safar shaqo ugu tagay magaalada laascaanood xalay ay u hoydeen magaalada burco iyaga oo maanta kasoo baxay isla markaana hadda soo gaadhay magaalada hargeysa.

Shacabka magaalada hargeysa ayaa si diiran usoo dhaweeyey madaxwaynaha iyo waftigiisan.

 

COMMENTS
LINKS