Siyaasiyiin,Aqoonyahano Xisbiga kulmiye Kamida Ismarkaana ah Jufada Hoose Ee Muuse Biixi Oo Lafilayo In Ay ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Magacyada Xubnaha Hormuudka U Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiyiin,Aqoonyahano Xisbiga kulmiye Kamida Ismarkaana ah Jufada Hoose Ee Muuse Biixi Oo Lafilayo In Ay ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Magacyada Xubnaha Hormuudka U Ah.
August 3, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Taageerayaal isku jira Siyasiyin, Aqoonyahano, Odoyaal Iyo xubno kale oo kamida xisbiga kulmiye ayaa lafilayaa in ay udiga rogtaan Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani.

MUUMIN

Abaabulka Xaflada  ayaa sida Wararka aanu ka helaynaa tibaaxeen Ka socota Magaalada Hargaysa taasi oo  lafilayo in ay maalinta bari ah ka dhacdo Magaalada Hargaysa.

Xubnaha hogaaminaya taageerayaashan udiga roganaya wadani  ayaa waxaa hormuudka ah masuuliyin sare sare oo kamida xisbigakulmiye ismarkaana ah odayaasha xusbigaasi ee wadanka uk hormuudna ka ahaa guushi kulmiye ka gaadhay doorashadii uu talada dalka ku qabsaday.

prof muumin

Sidoo kale  Taageerayaashan digo roganayaa waxaa safka hore kaga jira odayaal,dhalinyaro aqoonyahan kuwaasi oo dhamaan ah jufada hoose ee murashaxa xisbiga kulmye muuse biixi Cabdi

Aqoonyahan xaflada kusoo biirista xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa waxaa hor,muud ka ah Prof Mawliid Maxamed Muumin (Prof Muumin) oo ah qurba jooga reer somaliland ee degan dalka Uk gaar ahaan magaalada Bristol.

Prof Muumin  ayaa isagu ah Aqonyahan reer somaliland Oo mudo wax kasoo Dhigayay Jaamacadaha Dalalka Italy iyo Uk kaasi oo uu ka gaadhay in unoqda Super Vesior ka hawlgala laba Jaamacadood oo ku yaala Magaalada Bristol

Sidoo kale Prof Muumin ayaa mudadii uu dalka dibadiisa ku maqnaa noqday shaqsiyaadka lagu tilmaamo in uu yahay dadka wax Curiya,

Sikastaba ha ahaatee Taageerayaashan cusub ee ka digo roganaya xisbiga kulmiye ayaa ah qoysk hoose murashaxa kulmiye taasi oo iyadu muujinaysa waji cusub oo laga cabsi qabno in weeqdo  kalsoonidii lagu qabay xisbiga kulmiye iyo ololihii ahaa hadii aanu nahay beesha hablaayo waxaa ku qasbanahay taageerada murashaxa kulmiye sidoo kale arinta ayaa awood culus kusoo kordhin doonta xisbiga wadani horseedina doonta in ay beelo kale kusoo dhiiradaan isla xisbigan.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS