Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Dalka Arimaha Doorashooyinka ,Muxuuse ka yidhi Badalkii Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Dalka Arimaha Doorashooyinka ,Muxuuse ka yidhi Badalkii Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha
August 27, 2016 - Written by Editor:

“Dawlado Ayaa Is Ictiraafa Ee Qaramada Midoobay Wax Ka Ictiraafto Laakiin In Dunida Aqoonsiga Somaliland La Xusuusiyaa Waa Muhiim”…Ismaaciil Buubaa

Hargeysa(w,n):-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay Doorashooyinka, waxaanu ku taliyey in la tixgeliyo wakhtiga loo cayimay Doorashooyinku inay ku dhacaan.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay jagada Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo markii ugu horeeysay loo magacaabay Beel aan Beesha dhexe ahayn, Xilka Safiirnimo ee Cali Waran-cadde, Diiwaangelinta ka socoto Gobolka Sool iyo dariiqa ugu wanaagsan ee Somaliland aqoonsi ku heli karto, wareysiga aanu la yeelaynay Siyaasi Ismaaciil Buubaana

sidan buu u dhacay

Tan iyo wakhtigii Somaliland xoryideeda ay la soo noqotay waa markii kowaad ee jagada Wasaaradda Arrimaha Guddaha Beesha Dhexe laga qaado oo Beel kale loo magacaabo markaas sidee ayaad u aragtaa?

Beel kasta ha ahaate qofkii shaqada qaban kara in loo magacaabo jago ayaan anigu qabaa oo aan lagu nisbayn Beel Dhexe iyo Beelaha kaleba, laakiin jagada Wasiirka Arrimaha Guddaha ee loo magacaabay Gobolka Sool waxay ila tahay inay wax badan ka tarayso dalka.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Waran-cadde oo muddo dheer Wasiir ahaa, Xukuumadihii kala duwanaa ee dalkana wasiir ka soo noqday, in loo magacaabo Safiirka Somaliland ee Itoobiya sidee ayaad u aragtaa?

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya wuu wanaagsan yahay waxaana qabaa in Cali Waran-cadde wax badan ka tari doono, laakiin shaqsiyan sida uu u qaadan doono waa wax kale.

Gobolka Sool Diiwaangelintii cod bixinta ayaa ka socota markaas sidee ayaad u aragtaas Diiwaangelintaas?

Diiwaangelintaas waxaan dadka ku boorin lahaa si aad ah oo firfircoon looga shaqeeyo, dadkuna is diwaangeliyo, Goboladaas Barrigu waa Gobolo Somaliland ka mid ah, kana mid ahaan jiray, waxaana run ah in Somaliland gudaheeda iyo dibadeedaba midna aanay iibin Karin haddii aanay Goboladaasi ka mid ahayn, Diiwaangelintoodana waxaan u arkaa arin aad iyo aad u muhiimsan.

Waxa la soo bandhigay codsi ay Shacabka reer Somaliland ku doonayaan Aqoonsi, markaas sidee ayaad u aragtaa codsigaas, side se ay Somaliland ku heli kartaa Aqoonsi caalamiya?

Dareenka Shacabka Somaliland in Caalamku ogaada waa lagama maarmaan,laakiin Dawladdo ayaa is ictiraafa, oo haddii Dawlado ka mid ah Qaramada Midoobay ay Ictiraafaan Somaliland ayaa dabeedeed Qaramada Midoobay loo gudbinayaa, markaas ayaa ictiraafku imanaya, laakiin se in Calaamka la

xasuusiyo inay Somaliland u qalanto aqoonsi waa muhiim, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu halka ay ka raadinayso aqoonsiga waa inay noqdaan Dawladaha ku jira Qaramada Midoobay.

Doorashooyiinka wakhti baa loo cayimay, Wadamada Doorashooyinka ka caawiya Somaliland waalac bay ka muujiyeen qabsoomida Doorashada Wakiilada, Guurtiduna muddo kordhin ayuu Madaxweynuhu ka diiday markaas sidee baad u aragta?

Waxa wanaagsan wixii umaddu isku og tahay, Caalamkuna kula og yahay, in lagu dhaqmo, oo qaybo ka mid ah Dawladda muddo kordhin baa loo sameeyey, oo Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Guurtidaba muddo kordhin baa loo sameeyey, markaas waxay aniga ila tahay in wixi lagu heshiiyey la dhamaystiro, muddo kordhin dambe oo la sameeyana ma wanaagsana, oo wakhti mucayin ah ayaa loo muddeeyey Doorashooyinka, oo umadddu isku og tahay, Calaamkuna inagu og yahay, in wakhti mucayin ah ay dhici  doonaan Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Wakiiladu, waxa wanaagsan in lagu talagalo oo laga shaqeeyo sidii ay ku dhici lahaayeen Doorashooyinkaasi.

 

XIGASHO WARGAYSKA GEESKA AFRIKA

COMMENTS
LINKS