Shirwaynihii Beelaha Garxajis Oo Maanta Ka furmay Magaalada Hargaysa Iyo Weedhihil Laga Yidhi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirwaynihii Beelaha Garxajis Oo Maanta Ka furmay Magaalada Hargaysa Iyo Weedhihil Laga Yidhi.
August 13, 2016 - Written by Editor:

Waxaa shirkan beelaha garxajis ee hargeysa ka furmay gaar ahaana hoteelka maroodi jeex looguna magac daray tol wanaaje kasoo qeyb galay in kabadan 250 ergo oo ka kala yimi gobolada dalka ee beeshu dago furitaankii guudna waxaa hadalka qaatay suldaan cismaan suldaan cali mada waxaanu ku bilaabay

“Aadbaan U Salaamayaa Dhamaan Odayaasha Cuqaasha Salaadiinta Iyo Dhalinyarada Beelaha Gar Xajis Shirkuna Wuu Inoo Furan Yahay Wixii Danbena Gadaal Ayaan Ka Odhan Doonaa”

Jiif Caaqil rashiid Jaambiir  waxaanu isna goobta ka yidhi

“shirkan beelaha gar,xajis muddo haatan laga joogo sanad iyo lix bilood  ayuu nagu dhashy  bacdina maalin walba mar xalad ayuu soo maraayay maalin kowbuu  ahaa  maalin labuu  ahaa maalinna boqolaal  ayuu noqdayoo fikirku wuu iska soodabo dhacaayay oo dad kuna waxa ay aqbalayeen in ay munaasib tahay in ay beeshu isku timaaddooo  ay shir iskugu timaado si ay aayeheeda iyo danaheedaba uga tashato

shirkii kowaad  waxa uu dhacay dabayaaqadii sanadkii  aan soo dhafnay ka bacdi qaban qaabadisi iyo barnaamuj kiisi ayaa lasii hir galiyay ka bacdi waxa uu  shirkii  labaad oo  ahaa shir shiirkii hore ka mudo korsan waxa uu  dhacay sideedi bishii  aaan soo  dhafnay ee  july magaaladda hargaysa ayuu ka dhacay waxaana shirkaasi waxa  iskugu yimid culimo ay diin aqoonyahan oo  ay hogaan dhaqanku ay hogaaminayaan iyo mujdamaca kalo gadisan

shirkaasi wada hadal iyo dood dheer waxa lago.aamiyay in la magacaabo toban xubnood  oo kasoo jeeda dhaqanka oo  shirka guud ee belaha garxajis qaban qaabiya malintaa  ka bacdi waxaka soo wareegtay muddo bil iyo loow iyo toban maal mood  ah gudigaa  qaban qaabadu maraaxin kalo duwayn  ayay soo  mareen qaban qaabada  waxa u dheraa caqabado badan oo  ay  kalo kauleen iyo jaran jarooin badan oo  ay  lakulmeen iyo hor istaan lagu sameeyay qab soomida shir kaasi”

Jiif Caaqil Jaabiir

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay sheekh maxamed cali geedi oo ku dheeraaday ahmiyada walaaleynta beelaha wada dhashay waxay diintu katidhi

“Marka Ugu Horaysa Dhamman Tiin Waxaan Idinkula Dardaarmayaa Alle Ka Cabsi waxaana  farxad wayn Ii  ah Inaan maanta  dad badan Oo ay halkan iskugu yimaadeen oo  uu  shaydaanku kalo kaxeeyay Oo Uu Ku Kala Dhex Jiray,Ilaahaybaa Subxaanahuu Watacaalaa Yidhi Shaydaanku Waxa Uu Faraa Dadka Xumaan,Ilaahaybaa Quraankiisa Inoogu Sheegay Inuu Yahay Cadow,Maantana Waxa Halkan Iskugu Imid Dad Diin Ku Walaalo Ah Dhiigna Ku Walaalo Ah Oo Shaydaan Kala Kexeeyey Oo Taariikhdana Aan La Garanayn Wakhti Ay Isku Yimaadeen Oo Maanta Isku Yimid Markaa Waa Farxad Aad Iyo Aad U Weyn,Ilaahay Ayaa Waxa Uu Yidhi Haddii Dad Walaalo Ahi Islaayaan Heshiisiiya Heshiiska Waxa Ku Jira Khayr”

sheekh maxamed cali geedi

Boqor Raabi ayaa isna hadalka lagusoo wareejiyay waxaannu xusay sida uu ugu faraxsanayahay shirka iyo imaatinka ergada

“Aad Iyo Aad Ayaan Maanta U Farax Sanahay Waxaan Ku Farax Sanahay Ergadan Faraha Badan Ee Kasoo Qayb Gashay Shirweynihii Guud Ee Garxajis Ee Markii Ugu Horaysay Ah Shirku Wuu Inoo Furan Yahay Sidaas Uu Inoogu Furmayna Waan Ku Farax Sanahay Waxa Igu Jabsan Jidhidhico Aada Waxayna Iigu Jabsan Tahay Hadalo Hawadu Inagu Soo Duul Duulinaysay Oo Ahaa Garxajis Ma Shiri Karo Oo Uu Shirayna Garxajis Ayaan Ku Farax Sanahay” boqor raabi yusuf cabdilaahi

Boqor Faysal  ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadal dheer

“Farxad Ayay Ii Tahay In Labeentii Garxajis Oo U Ban Baxday Inay Waayaheeda Mustaqbal Keeda Danaheeda Ka Tashato,Shir Kani Waa Shir Dhaqan Waa Shir Beelweynta Qarxajis Oo Aan Anigu Amin Sanahay Inay Qaran Yihiin Aan Filayo ay Ayahooda Kaga Tashanayaan,Garxajis Abtirsigiisu Wuu Jiri Doonaa”

Suldaan maxamed cabdilaahi xaaji aadan Qabiile

Suldaanku Waxa Uu Ku Dheeraaday Muhiimada Ay Leedahay Iskaashiga Iyo In La Wax Lawada Qabsado Ugu Danbayntiina Waxa Uu Ku Soo Gunaaday”Dadka Wixii Wax Garanaya Ayuun Baad Wax Isku Tihiin Ianguna Wixii Wax Garanaya Ayuun Baynu Wax Isku Nahay ”

sharkan ayaa ah mid sii socon doona maalinta beriya lagana soo saari doono qodobo hor leh

COMMENTS
LINKS