|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirradu ay Khamiis kasta u Fadhiistaan Oo Maalinta Bari ah La Filayo In Lagu Gorfeeyo Sidii Turkiga Looga Wareejin Lahaa Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya
August 3, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews)Sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyey wasiirka gaashaandhigga Somaliland Mudane, Axmed Xaaji Cali (Cadami), wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa diyaarisay soo jeedin ay golaha wasiirrada ku horkeenayso in ay go’aan ka gaadhaan arrintan, oo muddooyinkii u dambeeyey ahayd mawduuca siyasiga ah ee loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, kadib markii dhowaan uu danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya hadal uu warbaahinta siiyey ku sheegay in dalkiisu uu ka shaqaynayo midnimada Soomaliya, isku midna u arko Soomaalida joogta Somaliland iyo Soomaalida Soomaaliya, “Hadalkaas ka soo baxay safiirka Turkiga maaha hadal laga dulqaato wax laga aamusana maaha, waana laga tashanayaa” ayaa uu yidhi wasiir Cadami. Iyada oo ay maalmihii u dambeeyey soo baxayeen warar sheegaya in xukuumadda Somaliland waddo dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha sidii ay aragti miisaan leh uga qaadan lahayd dhowr qodob oo saamaynaya xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland, kuwaas oo uu ka mid yahay in ay jawaab rasmi ah ka bixiso dalabkii hore uu qunsulka Somaliland u jooga Turkigu kaga codsaday Somaliland in ay albaabada u laabto dugsiyada waxbarasho ee Nile Academy oo uu leeyahay wadaadka Faxallaah Gulen ee dawladda Turkigu ku eedaynayso in uu isagu ka dambeeyey afgembigii dhowaan fashilmay, taas oo ay hore wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland si dadban u muujisay in aanay xidhayn dugsigaas, balse mar dambe uu wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in ay ku eegi doonaan sharciga dalka. Waxa kale oo xukuumadda laga filayaa in ay jawaab ka soo saari doonto hadalka xaalka sii xumeeyey ee danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho uu isaga oo si dadban ugu jawaabaya qunsulkiisa Hargeysa sheegay in baasaboorka Somaliland ay u arkaan in uu yahay warqad aqoonsi uun, waxaa iyaduna la filayaa in golaha wasiirradu uu go’aan rasmi ah ka gaadho sii wadista wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee gogoshooda ay bixisay dawladda Turkigu, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey, siyaasiyiin miisaan leh, masuuliyiinta xisbiyada, xildhibaanno iyo xubno xukuumada ka tirsaniba si isku mid ah ugu talinayeen in dib loo eego dhex-dhexaadnimada Turkiga iyo gogosha uu siiyo wada hadallada, “Wasaarada arimaha dibada ayaa wada arinkaas waxaana la filayaa in Khamiista haddii alle idmo golaha wasiirrada la horkeeno, ee wixii laga gaadho ayeynu eegi doonaa.” ayaa uu yidhi wasiir Cadami. Dhinaca kalana Marwo Edna Aadan Ismaaciil waraysi gaar ah oo ay siisay wargeyska Geeska Afriika waxa ay dhexdhexaadnimada Turkigu ka geli karo wada hadallada Somaliland Soomaaliya, iyo hadalkii uu dhowaan safiirka dawlada Turkiga u fadhiya Soomaliya kaga hadlay baasaaboorka Somaliland iyo aragtidiisa madaxbanaanida Somaliland. Marwo Edna Aadan oo arimahaas ka hadlaysaana waxay tidhi “Waanu ognahay inaanu Turkigu aqoonsanayn Somaliland, waanay cadahay inuu Turkigu toos ugu eexdo Soomaaliya waxna la qabto, haddii uu Turkigu waddo ka sameeyey Soomaaliland waxaan leeyahay ha la’ laabto, haddii uu Turkigu cusbitaal ka dhisay Somaliland waxaan leeyahay ka fujisto, haddii uu madaar ka dhisayna ha fujisto, waxa xaqiiqo ah in aanay jirin wax uu Somaliland u qabtay halka aynu ka war hayno waxa uu Soomaaliya u qabtay iyo mashaariicda uu ka fuliyey.” Marwo Edna Aadan oo ka hadlaysa arinta dugsiga Nile Academy ee ku yaala magaalada Hargeysa ee Turkigu doonayo in la xidho ayaa waxa ay tidhi “Turkigu waxa uu doonayaa oo uu dawlada Somaliland ka codsaday in dugsiga Nile Academy ee caruurtu inoo dhigato waxna inooga bartaan dalka laga saaro, waxaanu doonayaa inuu danihiisa inagu qasbo taasina wax suurta galaya maaha.” Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo mar kale ka hadlaysa sida ay iskugu soo dhawaan karaan Somaliland iyo Turkigu ayaa waxay tidhi “ Madaxweynaha Turkigu wali cagihiisa muu soo dhigin Somaliland wax mashaariic ah oo uu ka fuliyeyna ma jirto, waxaan leeyahay Turkiga, Somaliland waa dal madax banaan waana dawlad isku tashatay, waa dad mid ah oo qaranimadooda ilaashanaya midnimo dambe-na aan doonayn haddii aad doonayso inuu xidhiidhkeenu wacnaado ugu horayn waa inaad qirtaa madaxbanaanida Somaliland iyo dawladnimadayada oo aad iska daysaa Soomaalidan aad nala doonaysid haddii aad taas hir gelisana xidhiidhkeenu wuu wacnaan doonaa si wacanna waynu u wada shaqayn doonaa.” Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|