|
|||||
WAJAALE NEWS
SHARCI DARADII KHADRA X GAYDH GOLAHA LOOGU AFDUUBAY WAXAY SOBOBTAY IN MADAXWAYNE SIIRAANYO KABAHA LOO TAAGO .
August 30, 2016 - Written by Wariye:
Dhanka kale ayaa ku Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Cadkay maryan qaaday madiinana dhuuxday tukow maan laawe maxaad kaga meeri “ maahmaahdan oo ka hadlaysa Hunguri xumo Dumar oo aan waxba Hanbaynayn waxaana sidaa ka dhignaa Maayarkii la doortay iyo Golihii kacdoonka ku badalay gabadha ina Xaaji Gaydh waxaanay kala wareegeen dayntii ugu badnayd oo Laba Bilyan oo Shilin S/land kor u dhaaftay waxayna Ceebo badan u soo jiiday dumarka s/land isla markaana banaanka keentay in Xukuumadan Talo Dumar Hagayso oo aanay waxba Hanbaynayn oo Maamulka ka danbeeyaa waxba ku gaadhi doonin . Awood maroosigan distoor jabinta ahaa oo ku soo beegmay waqti Xukuumada Kulmiye Sannad jirtay waxay sobobay in kooxo dhalinyaro ah mudaharaad aan hore loo arag noociisa ay kala hor tagaan Madaxwayne Siiraanyo oo safar wadada ku maraya uu kaga ka qayb galayo Munaasibad ay ku qalin jabinaysay Arday jaamacada camuuda wax ka baratay kooxdan dhalinyarada ah oo kabaha intay la baxeen sare u taagay waxaanan ku tilmaami karaa in ay Khadra X Gaydh sabob u ahayd in bulshada gabiley ay gabi ahaanba kalsoonida kala noqdaan Hogaaminta Madaxwayne Siiraanyo oo wax ka dhaca mooyee wax u kordhaa jirin . Nin Oday ah ayaa markii la doortay xukuumada kulmiye ku Ducaystay Duco Dhaxal gal noqotay waxaanu Ducada ku bilaabay,ALLAHAYOW Sadex Arimood Midna Hanagu Keenin Hadaad Nagu Keentana ALLAHAYOW Sadexda Halbawle Ee Ugu Daran Nooga Ilaali . 1 , Allahayow hunguri xumo hanagu keenin hadaad nagu keentana Allahayow Dumarka nooga ilaali. 2 , Allahayow Caasinimo hanagu keenin hadaad nagu keentana Allahayow Curadada nooga ilaali. 3 , Allahayow Talo xumo hanagu keenin hadaad nagu keentana Allahayow Odayga Reerka u taliya nooga ilaali . Hadii aynu dull joogsano Ducada Koowaad lama aqbalin Waxaana muuqata in ay S/land ku habsatay Hunguri xumo Dumar marka loo eego Haraadka ay Ina Xaaji Gaydh u qabtay Hanti Lunsiga ,Musuqmaasuqa iyo Sharci jabinta ay ku kacayaan Dumarkii guryaha joogi jiray. Hadii aynu eegno Ducada Labaad lama aqbalin waxaana muuqata in Curadadii S/land u dhashay ee Wasiirada iyo Masuuliyiinta Qaranka laga dhigay ay noqdeen Madax Qalbiga ka Caydha oo caadaysatay Musuqmaasuq ,Qaraabo Kiil ,Hanti boob ,Sharci Jabin iyo Wax kasta oo S/land dhib ku ah. Hadii aynu eegno Ducada Sadexaad lama aqbalin markaad eegto Odaygii Madaxwayne Siiraanyo ee Bulsho waynta S/land soo Doortay oo hawl gab noqday Talo xumana ku habsatay waxaanu Taladii Dalka Gacanta u galiyay Qaraabadiisa iyo Shaqsiyaad Milgaha Dawladnimo ku tuntay oo Jaangoynta Siyaasada Dhaqaalaha Wadanka iyo Jaangoynta Siyaasada Arimaha Dibada u yeedhiya Masuuliyiinta dhigooda ah . Waxaanay S/land u baahanyahay Duco Qabayaashii Badbaadin lahaa ee Milgiha Dawladnimo soo celin lahaa isla markaana Sharciga horkeeni lahaa Maamulka Xukuumada Siiraanyo eeSharci jabinta u badheedhay kuna fashilmay taladii Wadanka dhaqaalihii dalkana guratay . Axmad Yaasiin, Daahir Cumar Hargaysa Soomaaliland Axmad 1717@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|