Mujaahid Cali Gurey, Oo Si Adag Uga Hadlay Hadalo ka soo Yeedhay Maamulka Somalia Oo ku Saabsan Heshiiska Dekedda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Cali Gurey, Oo Si Adag Uga Hadlay Hadalo ka soo Yeedhay Maamulka Somalia Oo ku Saabsan Heshiiska Dekedda Berbera
August 12, 2016 - Written by Editor:

“Berberi Way Dhaqaaqday Dibna U Noqon Mayso Insha Allah” Cali Gurey

Hargaysa(Wajaalenews) -Mujaahid Cali Gurey, guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee xisbiga UCID ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay dawladda Somalia oo ku saabsan heshiiska dekedda Berbera, war qoraaal ah oo uu Cali Gurey ku baahiyey bogiisa ayaa u dhignaa sidan:

Walee reer aan ogahay ma guuro. Somaliland caawa ma jiro war ka wayn Muqdisho ayaa hadashay oo ka hadashay Heshiiskii DP World ee Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somaliland ansixiyay. Bal waxa war la inooga dhigayo eega.

Sharciga Hargaysi waa sharci darrada Muqdisho waayo waxay ku riyoonayaan in Hargaysa Xamar laga daaro oo runta ayay is diidsiinayaan beentana waxay ka dhiganayaan ANTI PAIN. Lakiin waxan la yaabanahay kuwa aan intaa waxba ku fahmin ee weliba ka dhiganaya war ay ku diirsadaan inagana doonaya inaynu u aragno warka Xamar bishaaro ee inaga sugaya in aynu bil khayr nidhaahno.

Kuwa reer Berbera ee durbaanka beenta ah loo garaacayo ee hiilka u qaadanaya waxan leeyahay Berberi way dhaqaaqday insha Allah hore ayay u sii socon dibna u noqon mayso

COMMENTS
LINKS