|
|||||
WAJAALE NEWS
Muj. Cali Guray Oo Ka Digay In Hab Eexaysan Lagu Bixiyo Mashaariicda Iyo Qandaraasyada Dekeda Berbera
August 11, 2016 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay go,aankii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska dekeda Berbera ee ay xukuumadu u gudbisay. Cali Guray oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ku baaqay in mashruucan maal gashi ee dekeda Berbera laga ilaaliyo musuq maasuqa, eexda iyo cadaalada darada kuwaas oo uu tilmaamay inay saamayn taban ku yeelan doonaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waa arin aad u wanaagsan in golaha wakiiladu ogolaado in heshiis lala gali karo shirkada DP World, runtiina wax aan ku raaco golahaas dhawryo tobanka sanadood joogaa waa mashruucaan maalgashiga dekeda ee ay ogolaadeen, waana Sidoo kale Cali Guray oo ka hadlaya heshiiskan ayaa soo jeediyey arimo uu sheegay inay muhiim tahay in laga ilaaliyo mashruucan waxaanu yidhi “Haddii mashruucan maalgashi laga midho dhaliyo oo aan sidii mashruuci General Egergy aan musuq-maasuq, eex, qaraabo kiil iyo si aan cadaalad ahayn loo bixiyo qandaraasyada oo aanay wixii hore inagu soo noqon oo mashruucan la ilaaliyo, wuxuu noqon doonaa mashruuc aad u wanaagsan waanan ku faraxsanahay.” Cali Guray oo ka hadlaya rajada uu ka qabo in la qabto shirka golaha dhexe ee xisbiga Ucid ayaa waxa uu yidhi “Musharaxa Xisbigu Jamaal Cali Xuseen waxa uu qado sharaf u qabtay shantii xubnood ee qaban-qaabada, Shantii kalena waanu ka sugaynaa Guddoomiyaha, Siddeeda Todobaad ee soo socda waxaan rumaysanahay in aanu Shirweyne qabsan karno oo Xisbigaygii dhisi karno oo Golihiisi Dhexe balaadhin karno oo Guddidiisi fulinta dhamaystiri karno oo hogaankiisa sare buuxin karno oo aanu u diyaar-garoobi karno in aanu Tartanka ka qayb galno oo aanu la tartano Xisbiyda kale haddii ALLE yidhaahdo” ayuu yidhi Cali Guray.
Related posts:Magaalada Tog-wajaale Oo La Daristay Inay Noqoto Xarun Musuq-Maasuq, Iyo Maayarkii Magaalada Oo Ku M... “Ma Jirto Maalin Dadka Reer Somaliland Ee Jecel La Soo Noqoshada Qarannimadeena Uga Cabsi Badan Yihi... "Waxaan Madaxweynaha ku Bogaadinaya Furista Xisbiyada Iyo u Quus-goynta Maamulka Farmaajo".Gud. Xisb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|