Maxay Iska Shabahaan Sheekh yuusuf Indhacadihii Maxkamadaha Iyo Maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Iska Shabahaan Sheekh yuusuf Indhacadihii Maxkamadaha Iyo Maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar ?
August 13, 2016 - Written by Editor:

Gobolada Gabiley Iyo Shabeellada Hoose Ee Somaliya Waxay Iska Shabahaan Dhinaca Wax Soo Saarka Beeraha, Bustaanada Iyo Barwaaqada Illaahay Ku Manaystay Balse Waxaa Jira Laba Dhinac Oo Ay Iska Shabahaan Labada Wadaad Ee Sh.Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) Oo Ahaa Qabqable Dagaal Oo Shaadh Wadaad U Isticmaali Jiray Ku Takrifalka Awooda Iyo Hantida Gobolkaasi Iyo Dhaca Dadka Masaakiinta Ah Ee Laga Tirada Badanyahay iyo Wadaadka Dhalinyarada ah ee Duqa Gabiley Sh.Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo Filimka Wadaad ku Matala Seeftiisuna si wayn ugoyso dadka Masaakiinta ah, Gaar ahaa Dadka laga tirada badan yahay iyo Dadka aan Jufadiisa hoose ahayn oo uu awooda Dawladnimo u Isticmaalo Hantidooda Maguurtada ah sida Dhulka iyo Beeraha isla markaana uu Shaqooyinka uga Faa,iideeyo Cid gaar ah oo isaga si gaar ah ugu Adeegta.

Labadan Masuul ayaa iska Shabaha Dhinaca Wadaadnimada, Hanti boobka umadda iyada oo Qaab Casriya loo Lunsanayo Hantida umadda,Adeegsiga Dad kuu Dagaalama oo Weerar ku Qaada Cid kasta oo wax kaa sheegta, Aargoosi siyaasada Cidda ay is-hayaan oo Saamaysa Danyarta aan waxba galabsan, Guulwadanta  aan Daacada ahayn ee afka ah oo ah, Faqa hoose ee Habeenkii Beelaha lala shiro, Adeegsiga Magaca dhalinyarnimo oo lagu qadhaabto.

INDHA CADE IYO AMIIN

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indho-cadde waxa uu ahaa Masuulkii fashiliyay Awoodii maxkamadaha islaamiga isaga oo iska dhigaya inuu daacad uyahay maxkamada balse Hoosta kala socda Itoobiya iyo Maraykan, kuna dhawaaqay Ereyo Wiiqay Awoodii maxkamadaha oo aakhirkii lagu jabiyay jidna loosoo marona unoqday.

Diirada Maayarka Gabiley ayaa noqotay Mid qabata Dadka Danyarta ah ee laga Tirada badanyahay oo Maalmihii ugu danbeeyay Cabashadoodu warbaahinta si wayn u haysatay, sidoo kale waxaa Caado u noqotay Maamulka Dawlada hoose ee Gabiley in ay ushaqeeyaan Cid gaar ah balse aanay Danta Guud ee Gobolka waxba ka qaban iyaga oo hadal aan meel gaadhsiisnay la soo taagan warbaahinta maalin walba balse aan illaa hadda laga hayn wax qabad muuqda oo la sheegi karo Maayarka Gabiley ayaa Qaab wadaadnimo ah ku soo galay Golaha isaga oo Shacabku uhaystaan Sheekh umadda Gobolku usimantahay oo Cadaalad ku dhaqi kara isla markaana Hantidooda u ilaalin kara, balse waxa uu ku noqday Gofane ka Dhiigaystay Hantida dadwaynaha isla markaana Dad gaar oo aan Gobolka Dan u ahayn ka Naasnuujiya.

Waa kii Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax lahaa maanadiisii Hogaamiye

Dhaliishu Nimaanay Toosin-

Tilmaantana Cay U Haysta

Taxliil Sheekh Kuma Daweeyo

Ninkii Tarki-fale Ahaada

Wuxuu Tax-Taxaasho Maalmo.

Wuxuu Taransado Sad Maato-

Wuxuu Dulmi Toos U Gaysto

Wuxuu Xaqa Gabi Ka Tuuro

Wuxuu Hanti daanka-Tuulo.

Wuxuu Laba Kiis U Taagan

midkii Taagroon Gar-siiyo-

Inuu Mar Taraari Doono-

Timaadaa Lagu Arkaaye-

Talaabada Socodka Gaabso

Dhibaatooyinka waxaa laga Korodhsadaa Waayo aragnimo nololeed iyo Mid maamul labadaba, Dhalinyartu waxaa qurux badan in aanay ku Milmin kala Qaybinta Bulshada iyo Cadaalad Darrada.

Waxaa ka mid ahaa Ereyada Maansadii Gabiley ee Abwaan Cabdi Cali

Waxay Gabiley leedahay.

Gar Allee dad weynoow.

Sidaad ii galeysaan.

Gaaladu ma yeeshee.

Guluf iyo inaad tiin.

Gacal iyo sokeeyaan.

Kal garani waayee.

Labadaa mid soo gala!!!

Waxay Gabiley leedahay.

Geeshkiyo dadkaygii.

Ruux ii garaaboo.

Indheer garada kuma arag.

Goblan wiilal badanoo.

Gaban lagu falaan ahay.

 

La soco Qaybta 3-aad

Abdiqadir Osman

COMMENTS
LINKS