Maxaa Ka jira In Wasiirka Madaxtooyadu Wareegto Uu Soo Saaray Saxeexii Iyo Accounadii Kaga Xayiray Wasiiradii Dhigiisa ah Ee Dhawaan Xilka Uu Ka Qaaday Madaxweynuhu, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka jira In Wasiirka Madaxtooyadu Wareegto Uu Soo Saaray Saxeexii Iyo Accounadii Kaga Xayiray Wasiiradii Dhigiisa ah Ee Dhawaan Xilka Uu Ka Qaaday Madaxweynuhu,
August 19, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la sheegay in uu  soo Rogay wareegto uu ku xayirayo Accounada iyo saxeexyada  dhamaan masuuliyiintii uu xilka ka qaaday dhawaan madaxweynaha Iyo kuwii laysku badalayba,

Iyadoo uu ku socod siisay dhamaan haayadaha ay khusayso, Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka, iyo Baanka dhexe.

Wararka aanu ka helayno Wareegtada ayaa daaha ka fayday in ay  amrayso In aanay wax dhaqadhaqaaq ah samayn karin masuuliyiintaas xilka laga qaaday iyo kuwa laysku badalayba  sidoo kalana waxa uu xayiray saxeexii  oo maalmahanba ka xanibnaa masuuliyiintan. Ilaa kuwa  ciidamada ee kala duwan.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan  in xayiraadani ahayd mid uu jeebka ku sitay wasiirka wasaarada madaxtooyadu kana baxsan awoodaha maamul ee uu leeyahay.  Basle lagu xusay in ay tahay waxna aanay ka ogayn madaxtooyadu ee uu isagu keenay amarkan, taas oo ay haboonayd in madaxweynuhu soo rogo wareegto uu ku xayirayo amarkan sidaasna ay ugu gudubto bangiga,

Waa Markii u horaysay ee wasiir ka tirsan xukuumadu xayiraad noocan oo kale ah ku soo rogo masuuliyiin dhigiisa ah ama ay dhacdo wasiir xukuma wasiir  halka distoorka dalku uu siiyay  xuquuq isku  mid ah ,waxanay tani dhabar jab ku tahay xukuumada madaxweyne silaanyo oo aanay ka muuqan haykalkii maamul oo ahayd in sida loo kala sareeyo shaqo ahaan la isku xukumo,iyada oo dhawrjeer ay dhacday in ay is qabsadaan masuuliyiinta sare ee haayadaha dawladu.

Si kastaba ha ahaatee madaweynaha Somaliland oo mudo xileedkiisu ku dhaw yahay todoba sano ayaa mudadii uu xilka hayay wassirka madaxtooyada u magacaaba wasiirada ay isku haybta yihiin, kuwaas oo ay inta badan hagardaamooyin ku haya masuuliyiinta kale ee ka tirsan golaha wasiirada. Sobabtayna in badi golaha xukuumadu noqdaan kuwa u habrada wasiirka madaxtooyada oo marwalba si khadlan u adeegsada awoodii madaxwaynaha ,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS