Madaxweyne Siilaanyo Oo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Kala Tashaday Muranka Saami-qaybsiga, Dooda CIRRO Iyo Diidmada Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Kala Tashaday Muranka Saami-qaybsiga, Dooda CIRRO Iyo Diidmada Muuse Biixi
August 8, 2016 - Written by Editor:

Wakhtigii Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiillada Ku Muddeysaayeen Oo Kaabiga Saaran, Duruufaha Muuqda Iyo Go’aanka Madaxweynaha Laga Sugayo.

Hargeysa, (Wajaalenews) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Dalka la yeeshay kulan gaar ah.

Kulankan oo Madaxtooyada ka qabsoomay Maalmo uun ka dib markii Saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE ay Madaxweynaha dib ugu celiyeen Xal u raadinta Muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo laga Cabsi qabo inuu Ragaadiyo Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiillada, ayaa la sheegay in Madaxweynuhu uu Guddoomiyeyaasha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Faysal Cali Waraabe kala tashaday sida ugu suurto-gelsan ee xal looga gaadhi karo muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Saddexda Guddoomiye Xisbi iyo Madaxweynuhuba isla qireen in Muranka Saami-qaybsigu yahay Cabaqad taagan, in Xal laga gaadhaana u baahan tahay Wakhti ka badan inta ka hadhay Doorashooyinka, sidaa daraadeedna ay Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID soo jeediyeen Talooyin kala duwan, kuwaasi oo dhammaantood salka ku haya in dib loo dhigo mid ka mid ah  Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, Walow ay ku kala aragti duwan yihiin Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada ta la soo horeysiinayo ama dib loo dhigayo.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweynaha u soo jeediyay in dib loo dhigo Guud ahaan Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiillada oo qorshuhu yahay in ka qabto Daba-yaaqada Bisha 3-aad ee Sannadka Dambe, 2017-ka. Laakiin waxa la sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu ka hor-yimid soo jeedinta Guddoomiyaha WADDANI, isla-markaana uu ku taliyey in dib loo dhigo Doorashada Golaha Wakiillada oo la qabto Doorashada Madaxtooyada, Mowqifkaasi oo sida Wargeyska Himilo loo sheegay uu ku taageeray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Laakiin, ilaa hadda lama oga Go’aanka uu Madaxweynuhu ka qaadan doono muranka Saami-qaybsiga iyo talooyinka ay u soo jeediyeen Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

 

xigasho wargayska Himilo

COMMENTS
LINKS