Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Oo Maanta Qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Dufcadii 15aad Ee Ardayda ka Baxda Jaamacada Camuud University. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Oo Maanta Qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Dufcadii 15aad Ee Ardayda ka Baxda Jaamacada Camuud University.
August 16, 2016 - Written by Editor:

Boorama(Wajaalenews)Madaxweynaha oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay hoolka xalfadu ka dhacaysay waxa si balaadhan u soo dhaweeyey Ardaydii ku sugnayd halkaasi oo dareen farxadeed ku qaabiley madaxweynahooda soo sharfay soona karaameeyey Ardayda u dabaaldegaysay qalinjebintooda.

borama 1 borama 2

Xaflada ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, hoggaanka dhaqanka iyo waalidiin tiro badan, ayaa socotay wakhti dheer iyadoo ay halkaa hadalo dardaaran u badnaa kasoo jeediyeen, qaar ka mid ah waalidiintii ku sugnayd halkaas, maamulka Jaamacada oo uu ugu horeeyo Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xubno ku hadlaayey Afka Ardayda Jaamacada iyo Gudoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad ay la dhaceen Ummaddii halkaasi ku sugnayd, isagoo gudoomiyuhu Ardaygii Gudoomiyaha u ahaa Ardayda Baxday Sanadkan ka shaqaalaysiiyey Madaxtooyada Somaliland, Xusayna in Shan Sanno ka hor isaga uu Madaxweynuhu ka qaatay Isla jaamacadaasi isagoo ahaa gudoomiyihii Ardaydii wakhtigaasi baxday, balse uu maanta ku soo noqday isagoo ah Gudoomiyaha Hay’da ugu saraysa dalka marka laga hadlaayo dhinaca shaqaalaysiinta dalka iyo xuquuqda shaqaalahaba, taa abaalkeediina uu ku gudi doono daacadnimo iyo cadaalad uu u sameeyo da’a yarta iyo dadka tirsanaya in ay cadaalad daro ku waayeen aqoontooda ay soo barteen.

https://youtu.be/4ZleyeiACeU

borama 5 borama 6 borama 4

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo halkaasi ka hadlay soona afmeeray xaflada shahaadooyinna gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ayaa yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay in aan xafladan qalinjebinta ardayda intaa tirada leeg in aan idin kala soo qaybgalo ee Jaamacada Camuud, Waxan hambalyo balaadhan u dirayaa oon leeyahay Hambalyo Macalimiinta, Ardayda Qalinjebinaysa, Waalidkood iyo dhamaan shaqaalaha Jaamacada ee ku hawlanayd soo saarista Ardaydan qiimaha badan waxanan leeyahay aad iyo aad ayaan idinku hambalyeynayaa. Jaamacada Camuud waxa yaalaha ay qabatay  waa waxyaabo dadkeena iyo dalkuba ku wada faanayo oo aynu gidigeen kuwada faanayno oo aynu markhaati uga nahay inay qiimo weyn iyo magac weyn iyo sharaf weyn qaranka u tahay, Annagana waxa weyn bay noo tahay waxa aanu jidkaa u soo marnay waa taa Ilaahay waxan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, Waxanan idin leeyahay mar kale Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ilaahay garabkiina ha galo, guushana ha idin waafajiyo”. sidaasi ayuu madaxweynuhu ka yidhi munaasibadii loo qabtay Ardaydii ka baxday Jaamacada Camuud. Ka dibna waxa uu madaxweynuhu Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii dhamaystay waxbarashadii jaamacada.

borama 7

dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme balaadhan oo ay wasaaradda Maaliyadu ka dhistay gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama, halkaasoo noqon doonta xarunta wasaaradda maaliyada ee gobolka Awdal.

 

Wa Bilaahi Taw-fiiq

COMMENTS
LINKS