|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Jidka Isku Xidha Dilla Iyo Kala-Baydh
August 13, 2016 - Written by Editor:War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xadhiga ka jaray waddo dhererkeedu dhan yahay 21Km taas oo isku xidha Kala-baydh iyo Dila ee gobolada Awdal iyo Gabiley. Madaxweynuhu intii uu ku sii jiray jidka waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey, Arabsiyo, Abaarso, Gabiley iyo Kala-baydh, oo ay isugu soo baxeen shacbiga ku dhaqani wadooyinka dhinacyadooda, kuwaasoo ay ka dhex muuqdeen ardayda dugsiyada oo ku labbisan dirayskooda. Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay geedaha ay caanka ku tahay Dila, ayaa waxa isugu yimid masuuliyiinta qaranka oo uu hogaaminaayo madaxweynuhu oo uu weheliyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada qaarkood, iyo masuuliyiiin kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa gobolada Awdal iyo Gabiley, madaxdhaqameed iyo Dadweynaha degmada Dila. Masuuliyiinta degmada Dila iyo kuwa gobolka Awdal oo uu horkacayo duqa degmadaasi, Xildhibaanada, siyaasiyiinta, Madaxdhaqameedka, ee degmada iyo gobolka, ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado ay ku soo dhawaynayaan weftiga Madaxweynaha ee xadhiga ka jaray waddada, waxaanay iskala afnoqdeen in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadiisuba ay taariikhda ku galeen wax qabad la majeerto, mugleh ee ay dalka ka fuliyeen. Masuuliyiinta meesha ka hadashay waxay madaxweynaha ku bogaadiyeen jidka uu furay oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa mid dhib badan lagala kulmo oo wakhti badan lumin jiray marka isu-socadka la eegayo, isla markaana ay hanti badani ku dayacmi jirtay. Waxa kale oo ay madaxweynaha ku ammaaneen jidadka kale ee ay dhismayaashoodu ka socdaan dalka, gaar ahaan jidka Ceerigaabo ee uu ku dhiiraday madaxweynuhu, hirgelintiisa, iyadoo lagu bixinayo hantida dadka Somaliland oo qudha, taasina ay beenisay in jidadka sidaa u dhaadheer, sida ka Ceerigaabo, ay dawladaha muruqa dhaqaale leh uuni ka bixi karaan, ama cid ay dawladahaasi caawiyaan, waxaanay ku boorriyeen madaxweynaha inuu halkaa ka sii wado dedaalka dhismaha jidadka dalka, iyagoo Ilaahayna uga baryey inuu la qabto hawlahaa qaranimada, waddaniyada iyo samafalka leh ee ka socda dalka intii uu hogaankiisa hayey. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhinacooda Masuuliyiinta Madaxweynaha weheliyey kana mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Maareeyaha hay’ada wadooyinka, iyo Gudoomiyaha ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye. Waxanay masuuliyiintaasi sheegeen in horumarinta wadooyinka iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxqabadka kale ee dalkuba yihiin waxa ay ku taamayso xukuumadda uu hogaaminaayo Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, halkaana laga sii wadi doono horumarinta iyo dib u dhiska dalka, isla markaana ahayd qorshihii xisbiga Kulmiye, ku soo galay saaxada maamulka dalka. Mr. Michael oo ku hadlayey magaca sanduuqa horumarinta Somaliland oo ah sanduuq ay wada jir u maalgeliyaan dawladaha Norway, Denmark, Holland iyo Boqortooyada Ingiriiska isla markaana maalgelinta jidkan, ku wehelinayey dawlada Somaliland, ayaa sheegay qiimaha dhaqaale iyo wakhti ee uu jidkani soo kordhinaayo, iyo sida uu jidkani u yahay mid halbeeg ah (Standard), waxanu ka mahadnaqay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyo xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Silaanyo. Madaxweynaha oo gunaanadkii xaflada ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahadnaqay masuuliyiinta iyo shacbigii ku soo dhaweeyey halkaasi, isagoo raaciyey intaa in wadooyinku ay yihiin halbowle dhaqaale, isla markaana ay qayb weyn ka qaataan isku xidhka dadka iyo maalkaba, ahmiyad gaarana u leeyihiin dadka maraya jidadka, iyadoo taa laga duulayana kuwa la dhisay uun maahee kuwo kalena la dhisi doono, kuwa socdana la dhamaystiri doono. Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisa “waxaynu dhisanaynaa dhulkeena waynu qabyo tiraynaa jidadkeena, waan isku tashanaynaa ciidii inagu gacan siisana waan uga mahadnaqaynaa, gaar ahaan, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo dawlahada inagu taageeraba”. Hase ahaatee noqon mayno kuwo mucaawimo uun suga, ee inagaa dhexdeena guntanayna oo gacmaha isu-qabsan doona si aynu horumr la taaban karo u gaadhno”. ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. Related posts:Madaxweynaha JSL Oo Kulan La Qaatay 17-Ka Mudane Ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Oo Maanta M... Daawo:Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo U Kicitimay Dalka Kenya Iyo Uj... War Deg Deg Ah; Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Labadii Qof Ee Uhoreeyay Ee Jsl Laga Helay Xanuunk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|