|
|||||
WAJAALE NEWS
Laagaha Biyo Mareenka Noqday Ee Nabaad Guurka Ku Keenay Dhull Beereedka Botor,Odax, Saarayaha, Iyo Gobka Daarimo Ee Deegaanada G, Gabiley .
August 24, 2016 - Written by Editor:Gabiley(Wajaalenews) Maalin Jimce ah oo tirsiga taariikhdu ahayd 12/8/2016 waxaanu Socdaal gaaban ku tagnay Deegaano Galbeedka Waqooyi kaga beegan Magaalada Gabiley aniga oo ah Sacad X Maxamuud Gadhle, Ibraahin Aadan Qaalib, iyo Oday Cabdi Axmed Xirsi socdaalkan gaaban oo ujeedadiisu daarnayd Heerka uu gaadhsiisan yahay Xaalufka, Nabaad Guurka ay Dhull Beereedka ku keeneen Laagaha Biyo mareenka noqday iyadoo aanu u kuur galaynay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin Bulshada Beeralayda iyo Xoolo Dhaqatada ah ee ku nool Deegaanada balaadhan ee Botor, Odax , Saarayaha, iyo Gobka Daarimo. Garashadu waa galad Eebe waxaa Socdaalkan gaaban u sobob ahaa Aqoonyahan Ibraahin Aadan Qaalib oo warwarka ugu badani ka hayo Laagaha iyo Jeex jeexyada Biyo mareenka noqday ee Dhul Beereedkii Nabaad guurka iyo Xaalufka ku keenay hadaba anagoo ka faa”iidaysanayna waayo aragnimada iyo Dall yaqaanimada Oday Cabdi Axmad Xirsi waxuu na tusay warbixina naga siiyay Qaabka ay u bilaabmaan Jeexjeexyada iyo Laagaha Biyo mareenka noqonaya ee Xaalufka iyo Nabaad Guurka ku keenaya Dhull Beereedka waana Sidan . Muuqaalkani waa sida ay ku bilaabmaan Jeexjeexyada ama Laaguhu qiyaas ahaana waa ilaa 4 Mittir oo Balac ah, 100_ 200 Mittir oo dherer ah oo hoos u qodan 40 SM iyadoo uu Baabuurku ka gudbi karo waxaad moodaa in ay u Muuqaal dhaw yihiin Muuqaalka Shaaga Baabuurku ku sameeyo Wadada Rafka ah. Muuqaalkan aad arkayso ee Laagtan wayn ee Dooxa noqotay waxuu noo xaqiijay Oday Cabdi Axmad Xirsi in ay ku bilaabantay qaabkii Muuqaalkii hore mudo 20 Sanno ka hor ah. Maanta Muuqaalka Laagtan Wayn ee Dooxa noqotay ee aad arkayso maaha Doox hore loo yaqaanay oo Deegaanka ku yaalay waxayna hoos u qodan tahay 7 Mittir _ 4 Mittir , Balac 6 Mittir iyo 1000_1300 Mittir 00 Dherer ah. Sidoo kale waxaa qayb wayn ka qaata Xawaaraha ay ku socdaan Jeex_jeexyada iyo Laagaha Dhull beereedkii ku keenay Nabaad Guurka iyo Xaalufka Gaadiidlayda iyo Xoogsatada Ciida iyo Dhagaxa ka soo guraysa Laagaha Dilaacay. Muuqaalkani waa Laag dhex martay Beero la qoday Sannadkan iyadoo Maanta Laagtani dhib wayn soo gaadhsiisay Beero Dalagii ku yaala iyo Balayo biyo ku jiraan . Beeralayda ku dhaqan Deegaanadan waxay noo xaqiijiyeen in aan waxba laga qaban Karin illaa loo helo Aqoon iyo Gargaar Dhaqaale oo wax lagaga qabto Xaalufka iyo Nabaad Guurka faro baas ku haya Deegaanada. Deegaankan oo ah mid balaadhan Bulsho badan oo Beeralay iyo Xoolo Dhaqato ahi ku nooshahay waxaa ku yaala Dugsiyo Waxbarasho iyo Goobo Caafimaad (MCG) oo ay dhiseen Mutadawiciin kaalmo ka helay Ururka Camuud Fundation sida Dugsiga Cabdi Qaalib ee Gobka Daarimo laga dhisay oo Ibraahin Aadan Qaalib uu dadaal badan u huray sidii Beeralayda iyo Xoolo Dhaqatada ku dhaqan Deegaanka Gobka Daairmo u heli lahaayeen Adeegyada Nolosha Bani Aadamka Aasaaska u ah sida Waxbarashada iyo Caafimaadka. Sidoo kale Waxaa Deegaanka ku yaala Dugsiga Sh Cumar Maarisi oo Afar Galaas ah una baahan in lagu daro Afar Galaas oo kale mar hadii ay Arday Galaasyada Afraad iyo Shanaad ahi Hall Qoll kuwada jiraan. Sidoo kale waxaa Deegaanka Botor ku yaala Masaajidka SH Cumar Maarisi oo leh Qaybta Dumarka Suuliyo iyo Qolal lagu Maydho Masaajidkan oo ay Dhiseen Xaaji Maxamuud Cumar {Gadhle} iyo X Xasan Cumar oo walaalo ah iyagoo kaalmo ka helaya Sadex ka mida Haweenka Qurba jooga ah oo Deegaanka u dhashay Masjidkan oo dhamaan leh waxyaabihii Beeralayda iyo Xoolo Dhaqatada ku dhaqan Deegaanka Botor u fududayn lahaa in ay Cibaadaystaan. Muuqaalkani waa Beerta X Xasan Cumar Axmed waxana Inankiisa Naasir Beertan oo ahaan jirtay Sanadahan u danbeeyay Beeraha tilmaaman ee Balay Biyoodka loo sameeyay Khudaarta kala duwana laga beero waxay halis ugu jirtaa Laag xoogaysatay Sanadahan u danbeeyay halka Laagtani ay soo baabiisay Beertii Reer Qiyaas oo waayo ahaan jirtay Beer Dalag badani ka soo go”I jiray . Iyadoo Beeralayda iyo Xoolo Dhaqatada ku dhaqan Deegaanadan Dhambaal u dirayaan dhamaan dadka ka soo jeeda Deegaanadan ee ku nool Dalka S/land iyo Daafaha Dunida joogaa in ay u soo gurmadaan dhull Beereedkan. Warbixin Sxufi Madax Banaan Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Related posts:Akaadamiyada Oo Lix Qodob Oo Xal Unoqon Kara Khilaafka Doorashooyinka Jsl Ugudbisay Madaxweyne Biix... Maxkamadda Sare oo Dhaarisay Xildhibaan Cusub Oo ku Soo Biiray Golaha Wakiiladda Somaliland + SAWIRR... Daawo:Odayaasha Iyo Dhalinyarada Reer Berbera Iyo Sheekh Oo Si Adag Uga Horyimid Wareejinta Dekeda B... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|