Khilaaf Culus Oo ka Dhex Istaadhmay Maayarka Gabiley & Mulkiilayaasha Ceelasha Biyaha Iyo Biyo La,aan laga Cabsi Qabo in ay Soo food Saarta Shacabka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Culus Oo ka Dhex Istaadhmay Maayarka Gabiley & Mulkiilayaasha Ceelasha Biyaha Iyo Biyo La,aan laga Cabsi Qabo in ay Soo food Saarta Shacabka.
August 9, 2016 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Maayarka Magaalada gabiley maxamed amiin cumar cabdi ayaa dhawaan  sifo sharciga baalmarsan kula wareegay maamulka biyaha oo ay hore gacanta ugu haysay shirkad lagu magacaabi jiray samsam taasi oo uu Xiligan dhamaaday  wakhtigii lagula sexeexday heshiiska balse wasiirka wasaarada biyaha uu dhawaan  u magacaabay maareeye cusub oo ay yeelanayso wakaalada biyaha ee magaalada gabiley.

Hadaba wararka aanu ka helayno magaalada gabiley iyo mulkiilayaasha ceelasha biyaha ayaa tibaaxay in uu maalmihii udanbeeyay uu khilaaf culus ka dhex curtay Maayar Maxamed Aamiin iyo Masuuliyiinta gacanta ku haya ceelashaas  kadib  markii sida xogahani tibaaxeen maayar amiin uu fariin hanjabaada hawada u mariyay qolyahan gacanta ku haya biyaha Taasi oo sida la sheegay xanbaarsanayd inuu gacan birta ku qabandoono hadii ay uhogaansami wayaan awaamiirta kasoo fulay.

halka ay mulkiilayaasha ceelasha biyuhu Ku doodeen in gacan ku hayta biyaha lagu warejiyo wasaarada biyaha  kuna hanjabeen in aanay mardanbe  u dulqaadanayn in cid gaara lagu naas nuujiyo iyo dawlad hoose oo iyadu ku fashilantay hawlihii shacabku udoorteen.

Sidoo kale maayarka magaalada gabilay ayaa la sheegay in uu qorshaynayo sidii uu  cid kale oo uu  isagu wato gacanta ugu galin lahaa wakaalada biyaha magaalada gabilay  taas oo keeni karta in uu  khilaafku sii xoogaysto  ee u dhaxeeya  wasaarada biyaha oo iyadu xaq u leh magacaabista xubintan soona magacawday maareeyihii la wareegi lahaa wakaalada

Hadaba maayarka magaalada gabiley oo imika xilka maayarnimo haya mudo sanad iyo afar bilooda ayaa ah masuulkii ugu horeeyay ee khilaaf ka dhex abuura ceelasha biyaha oo ay dadka deegaanada gabilay ku diirsadeen tan iyo markii ceelashaas laga hirgaliyay deeganadaas.

 

COMMENTS
LINKS