Kaalin Inte Le’eg Ayuu Heshiiska DP World Ku Leeyahay Baashe Cawil? W/Q. Cali Cismaan Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaalin Inte Le’eg Ayuu Heshiiska DP World Ku Leeyahay Baashe Cawil? W/Q. Cali Cismaan Xaraaro
August 2, 2016 - Written by Editor:

Baashe Cawil oo ah wiilka Axmed Siilaanyo Sodoga u yahay isla markaana Ah xubinta uugu awooda badan Xukuumada Axmed Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye ayaa habeen dhaweyd ku
Sameeyey casho ay kulmeen ila boqol Qof oo ka kala socdey, guurtida, Wakiilada, golaha wasiirada, dumar, iyo Dhalin yaro, waxa kaloo ka mid ahaa dadka halkaa Ku Casheeyey Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Faras, taasi waxay Tilmaamaysaa in Muuse Biixi ka mid Yahay dadka hoos jooga ama aan ku Talaabsan karin arin aanu raali ka ahayn Baashe Cawil, waana sababta keentey Inuu Muuse Biixi ka shaqeeyo farxada Baashe Cawil, intaas waxa raacda ujeedada cashada ayaa ahayd mid loo muujinayo taageerada Baashe Cawil iyo Iney ku garab taagan yihiin
Bixinta dekeda Berbera, horta midi waa dadka casheeyey iyo Taageerada ay u fidiyeen Baashe Cawil
Iyo mashruuca bixinta dekeda Berbera Waxaanan odhan lahaa xaalada dekeda Berbera boqol qof oo casheeyey way ka Culustahay.

baashe iyo muuse

Dhinaca kale, heshiiska dhabta ah ee dhexmaray Baashe Cawil iyo madaxa shirkadda (DP World) ayaa la mida heshiis hore ee dhexmaray dekedda dalka Jabuuti iyo isla shirkaddan (DPWorld) waxaana u dhexeeyey oo labada dhinacba ee ka socdey dhinaca ganacsadaha reer Jabuuti ina Boori taasoo markii ina Boori Iyo dawlada Jabuuti isku dhaceen sababtay khilaafka ka taagen ina Boori Iyo (DPWorld) oo dhinac ah iyo dalka Jabuuti oo dhinac ah waxaanu khilaafku Gaadhey in layska dacweeyo maxkamadaha caalamka, markaa hadii la is weydiiyo halka Baashe Cawil kasoo galay heshiiska Dekeda Berbera iyo sherkeda (DPWorld) hala cadeeyo ma dadbaa inta la cashaysiiyo lagu odhanayaa taageera bixinta dekeda Berbera?
Mise awoodaha Baashe Cawil ayaa lasoo bandhigayaa?

 

COMMENTS
LINKS