Jiritaanka Somaliland Iyo Jiritaan La’aanta Somalia! Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jiritaanka Somaliland Iyo Jiritaan La’aanta Somalia! Muj Cali Guray
August 25, 2016 - Written by Editor:

Sirta Ictiraaf La’aanta Somaliland waa sida uu Maxamed Haaruun sheegay. Somaliland oo nabadgelyo ah nabadda mandaqadana udub dhexaad u ah oo hadii aanay nabadgelyada Somaliland aanay jiri lahayn ay halis geli lahayd degenaanshaha iyo xasiloonida ka jirta dalalka ay jaarka yihiin Somalland gaar ahaan Itoobiya iyo Djibuuti sida ay nabadgelyo darrada Somalia ay sababta ugu tahay nabadgelyo darrada dalka Kenya iyo weliba mararka qaarkood Itoobiya iyo Somaliland oo ah sedexda dal ee Somalia ay xuduudaha wadaagaan. Hadaba waxa yaab leh bulshada caalmka gaar ahaan reer galbeedka oo arinta fahmsani sida ay isaga indho tiraan qadiyadda gooni-isu-taaga Somaliland iyo ahmiyadda ay u yeelan karto nabadgelyada mandaqadda hadii Somaliland la aqoonsado gaar ahaan kaalinta ay ka qaadan karto dhibaatooyinka is huwan ee ka jira Somalia ee ay kow ka tahay dagaalada iyo maqnaanshaha dawlad dhexe oo gacanta ku qaban karta guud ahaan dalka Somalia.

Bulshada caalamku ilaa ay midi roortaynta iyo xal beenaadka ay kolba milil korkii dhayayaan ay ka waantoobaan Somalia degitaankeedu suurtogal maaha. Hadii ay run ka tahay in reer galbeedku gaar ahaan Maraykanka iyo EU oy doonayaan in xal waara loo helo dhibaatada Somalia waa in aanay iska indho tirin xaqiiqada qadiyadda Somaliland oo noqon karta furaha xalka dhibaatada Somalia hadii la aqoonsado jiritaanka dal jiri jiray maantana jira oo la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS