Jeneraal Maxamed Cali Samatar Oo Ku Geeriyooday Dalka Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jeneraal Maxamed Cali Samatar Oo Ku Geeriyooday Dalka Maraykanka.
August 20, 2016 - Written by Editor:

Virgina(W,N)-Waddanka Maraykanka waxaa ku geeriyooday jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya.

Allaha u naxariistee jeneraalka oo da’diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida uu BBC-da u xaqiijiyey mid kamid ah qaraabada marxuumka.

Waxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo dacwad ka dhan ah la horkeeno maxkamad shisheeye.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go’aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobolladii woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladdu. Wuxuu beeniyey eedaymahaasi oo uu ku sheegay kuwa siyaasadaysan.

COMMENTS
LINKS