Jaamacad Arday ka Qalin Jebisay Shahaadado Loogu Qaybinayo Xisbiyada Shaqada ka Gashay Anigu Maan Garan. Xataa Madaxwaynaha.MUJ CALI GURAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamacad Arday ka Qalin Jebisay Shahaadado Loogu Qaybinayo Xisbiyada Shaqada ka Gashay Anigu Maan Garan. Xataa Madaxwaynaha.MUJ CALI GURAY
August 19, 2016 - Written by Editor:

INAY CURADO KHAR LIHI U KICI CIIDAN LA ARKEE

Jaamacad arday ka qalin jebisay Shahaadado loogu qaaybinayo xisbiyada shaqada ka gashay anigu maan garan. Xataa Madaxwaynaha ma qabo in ay muhiim tahay in ka qaybgalo.

Dunida Jamacado way jiraan intee ayaynu aragnaa Jamacado marka ay ardaydu qalin jebinayso ay Madaxwaynayaal, wasiiro iyo Madaxda xisbiyadu ay qasab tahay inay goobjoog ka ahaadaan. Tan kale Jamacadaha dalka weli lama qiimaynin oo kuwee u qalma Jaamacado kuweese aan u qalmin lama kala saarin ee waa wada jaamacado uun waanay faro badan yihiin gobolada dalka oo dhanna way ku kala yaalaan. Markaa waa la is waydiin karaa Madaxwaynuhu muxuu qaarna u tagaa sanad kasta inta kalena aanu mar keliya uga soo ag wareegin l? Waayo wax lagu kala qiimeeyay oo lagu kala mudnaan siiyay oo la ogyahay ilaa hadda ma jirto. Arintaa anigu sax uma arko dhaqan fiicanna uma arko.

Ardaydu dhiirigelin waxay ugu baahan yihiin oo in la booqdo ay tahay inta ay waxbarashada ku jiraan. I kasta oo inaga aanu jirin bisayl dhinaca wacyiga siyaasadda oo hadaad hor ilaahay u booqan lahayd si aad adiga oo siyaasi ah u dhiirigelisoba markaaba meel kale ayaa loola kacayaa oo waa mucaarid iyo waa muxaafid bay sheekadu noqonaysaa. Cidda ugu horaysa ee sharaysataa waxa noqonaya Madaxda Xukuumadda ee garaadkoodu liito madaxda Jaamacadaha badankooduna iskuma kalsoona waanay ogyihiin in madaxdii dawladdu aanay raali ka ahayn waxa booqday ama lagu marti qaaday hebel oo xisbi hebel oo mucaarida ah. Taasina waa wax jira ee xisaabta ha lagu darsado. Markaa marba Xukuumadda markaa talada haysaa sida ay doonayso ey raali ku tahay uun in loo daayo ayaa malaha ugu haboon bay aniga ila tahay. Hadii kale adiga oo waanaagba u jeeda oy dhiirigelin kaa tahay hadaad Jaamacado heblaayo booqato waxaba laga yaabaa ilayn dadka Madaxda inoo ah waynu naqaane in Jamacadiiba laga raaco booqashadii aad booqatay oo aad uga darto.

 

Tan kale ardayda Haamacaduhu maaha caamo xaaladda dalka way la socdaan oo waa xogogaal inta badan raali kuma ah oo inta iyaga taabanaysa ee dhibaatooyin ah iyo waxa ka dhiman ey tebayaan iyo waxa ay indhahooda ku arkayaan ee saamaynaya noloshooda ayaa ugu wacan in ka mid noqdaan inta wax saluugsan ee mucaaridka ah. Kumanaanka Jaamacadaha ka soo qalin jebinayaa halkay u soo qalin jebinayaan way ogyihiin oo waxay ogyihiin inay tahay heerkii shaqo la’aanta ka jirtay dalka oo awalba sareeysay inay sii kordhiyaan uun sanadba sanadka ka dambeeya. Kuwii kal hore qalinjebiyay oo intii ugu tirada badnayd suuqa tuban tahay kuwii ka sii horeeyay la mid yihiin oo makhaayadaha la wada fadhiyo ka sanadkan soo baxay wuu ogyahay in cid u maqan oo danaynaysa iyo ceel u qodan aanu midna jirina. Markaa siyaasi lagu casumay oo wax isku mooda iyo mid la ima casumin leh oo ka cadhaysan waxay isu dhaamaan ma jirto.

Waxa u dhaama ka og dhibta qabaan ee la qaybsada dareenkooda ee ku booriya in aanay quusanin ee ay ka dhur sugaan dalkooda hodanka ah iyo inta ilaahay faraj khayr leh u furayo ee curado khayr lihi u kacayaan ee hogoomiye lagu diirsadaa hogaanka u qabanayo dalkooda.

COMMENTS
LINKS