Gogol Nabadeedani Ma Noqon Doontaa Tu soo Gaba Gabaysa Waqtigii Badnaa Ee Lumay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gogol Nabadeedani Ma Noqon Doontaa Tu soo Gaba Gabaysa Waqtigii Badnaa Ee Lumay?
August 9, 2016 - Written by Editor:

Warar maqaqlkooda lagu diirsado ayaa ka soo yeedhaya xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinta maamulka Khaatumo .xogahan ayaa lagu sheegay in wadahadalo bilaw ah ay is la qaateen taas oo

jawaab u ah gogol nabadeed uu fidiyay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Silanyo

Markii ay burburtay dawladii Soomaliya ee mulatariga ahayad ayaa waxaa dadkii Somaliyeed ku dhacay jaha wareer iyo firidh  gayaysiisay in ay lumaan isku xidhnaantii iyo wax wada lahaashahii taas oo uu sababay taliskii mulatariga ahaa oo aan u tudhin umadii wax  wada lahayd ee xoriyadooda kala soo wareegay gumaystayashiii Ingiriiska iyo talyaaniga iyaga o ku naaloonayeen in ay mar uun arki doonaan xukuumad ay isku af  iyo isku diin iyo waliba isku dan noqonayaan

Xukuumadii mulatariga ahayd waxay baday in ay ku abuurto shaki qabyaalad iyo kala fogaansho ay dhexdooda ka oogtay, arimahaasi waxay soo dadajiyeen nacayb loo qaado dawladnimadii ay u hanweynaayen

Arimahaas ayaa soo dedejiyay in goboladii dalka loo kala qaybiyo qaar dawladaasi mulatariga ah u daacad ah iyo qaar duminaya, shirqooladaas ayaa keenay eel aan si dhib yar looga bogsan Karin

Halkaasi waxaa ka huray dagaalo hubaysan oo lala galay dawladii Siyaad bare waxaa abuurmay jabhado ay hogaaminayaan dadkii acyaanta ahaa ee ka soo jeeday gobalada waqooyi iyo gobolada dhexe kacdoonadaas ayay xukuumadaasina u adeegsatay dil dhac kufsi iyo hanti boob baahsan

Halganadaas oo ay hor kacayeen jabhadahii SSDF iyo jabhadii SNM oo aakhrkii ay ururkii dhqdhaqaaqa wadaniga somaliyeed ay xididada u siibaan taliskaasi.Ururkaasi ayaa  xoreeyay gobolada waqooyi intaa ka dib ayay isugu yeedheen beelahii wada deganaa goboladaasi waxaana si mugle laysula qaatay in ay heshiisyo aaya ka tashi ah qaataan taas oo loo dhamaa dadkii ku noolaadaa madaqadaasi  sheikh iyo shariif ba

Gobolka togdheer magaalada burco ayaa lagaga dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland 18,may 1991 kii

Waxaana halkaas ku kulmay madax dhaqameedkii, culimadii, aqoonyahakii, siyaasiyiintii iyo ururada bulshada taas ayaana laysla qaatay in dib looga go,o dalweynahii Somaliya waxaana xukunkii qabtay

SNM oo hogaamisay mudo laba sanadood ah sidii ku taalay axdi qarameedkii lagu heshiiyay mudodaa kadib ayay ururkaasi dib ugu soo celiyeen xukunka beelahii Somaliland taas oo shirkii Boorame lagu yagleelay xukuumad loo dhanyahay.

Xukuumadaas oo markiiba  soo celisay kalsoonidii iyo wax wada qabsigii umadaasi ayaa keentay in ay shaqeeyaan golayaal sharci ah oo ka shqeeyay xuquuqdii shacbka taasina sababtay in jamhuuriyadan

Ay hesho sumcad, amaan iyo kala danbayn, mudooyinkaasi ka dib waxaa si isdaba jog ah u soo baxayay siyaasado lagu wiiqayo umadan wax wada qabsatay .waxaa isweydiin leh maxaa iska bedelay heshiisyadaa lagu so caano maalay.madaxdii kala danbaysay ee Somaliland ayaan inta badan laga maqli jiray wada hadalo iyo gogol nabadeed taas oo inta badan aan dhamaanin

waxaan odhan lahaa xukuumadu miyay baal martaa cida ay ka go,do talada umadaasi

ma madaxda dhaqanka ee labada dhinac ayaa arinta xalkeeda haya oo la garanlayahay

ma siyaasiyiinta beelahan ayaan umadooda kalsooni ka haysan oo kolba kii wada hadalka gala ayaa la odhanayaa waa nin kalidii shir tegay o nama matalo

maxaa loo waayay madax u damqada caruurta dib uga dhacay wax barshada goboladaasi oo naga soo afjarta gogoshan raagtay

waxaan qormadan ku soo gabagabaynyaa in la cadeeyo halka sartu ka qudhunsantahay

 

wa bilaahi towfiiq.

Qalinkii mustafe Mohamed Nor dheereeye

COMMENTS
LINKS