Donald Trump Oo Markale Weeraray Islaamka iyo Dadka Somaalida ah Ee ku Dhaqan Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Donald Trump Oo Markale Weeraray Islaamka iyo Dadka Somaalida ah Ee ku Dhaqan Maraykanka.
August 5, 2016 - Written by Editor:

USA(Wajaalenews) Donald Trump Musharaxa madaxtinimda xisbiga Jamhuuriga ee dalkan Mareykanka ayaa mar kale ka hadlay arrimaha Islaamka iyo dadka soo galootiga ah ee dalkan Mareykanka.

Trump

Donald Trump ayaa Soomaalida iyo dad kale oo soo galooti ahba ku sheegey kuwo halis ku ah amaanka dalka Mareykanka.

Mr Trump oo ka hadlayay magaalada Portland ee dalka Maraykanka halkaas oo uu ka jeedinayayay Fariin la xidhiidh Aragtidiisa soo galootiga Waddanka Maraykanka ayaa waxa uu tusaale u soo qaaday Qaxootiga ka soo jeeda Waddamo ay ku jirto Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka soo jeedaan Dalal ay ku badan yihiin Fekradaha Agjirnimadu islamarkaana aan loo baahnayn in loo ogolaado in ay yimaadaan Waddanka Maraykan.

Waxa uu sheegay in magaaladan uu Kkudbadda ka jeediyay ee Portland iyo magaalooyin kale oo tiro badan oo ka tirsan waddanka Maraykankaba ay joogaan Qaxooti badan oo Soomaali ah kuwaas oo uu sheegay in ay ka soo jeedaan mid ka mid ah waddamada ugu khadarta badan adduunka.

Trump ayaa tusaale markale u soo qaaday dad Soomaali ah oo isku dayay ama weeraro ka gaystay gudah waddanka Maraykanka.

Ma Aha markii ugu horaysay Donald Trump uu weerar xagga afka ah ku qaado Qaxootiga Soomaalidu ku jirto ee waddanka Maraykanka.

 

COMMENTS
LINKS