Dawladdda Ethiopia Oo Ganafka Ku Dhufatay Codsi Uga Yimid Qaramada midoobay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladdda Ethiopia Oo Ganafka Ku Dhufatay Codsi Uga Yimid Qaramada midoobay .
August 12, 2016 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W.N) Afhayeen u hadlay dawladdda Ethiopia oo lagu magacaabo Getachew reda, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Kormeerayaal caalamiyi oo ka socda hay’adaha Qaramada midoobay ay yimaadaan islamarkaana ay baadhaan dilalkii dhawaan ka dhashay dad mudaraad samaynayay gudaha waddankaasi kuwaas oo ay isku dhaceen Ciidanka Ammaank.

mudaharaadkaasi oo ka dhacay gobolada ay degan yihiin qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada ee waddanka Ethiobia.

Afhayeenka ayaa ayaa sheegay in Xukuumadda Ethiopia ay iyadu mas’uul ka tahay shacabkeeda.

Hadalka Xukuumadda Ethiopia ayaa ah mid ay kaga jawaabayso baaq Qaramada Midoobay ay kaga codsanayso dowladda Ethiopia inay u oggolaato kormeerayaal caalami ah dalkeeda, gaar ahaan goobaha ay saameeyeen banaanbaxyadii dhacay todobaadkii la soo dhaafay.

 

COMMENTS
LINKS