Dawladda Somaliland Oo U Quus-goysay Dhaq-dhaqaaqyada Ay Soomaaliya Ku Doc-wareemayso Qarannimada JSL. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Somaliland Oo U Quus-goysay Dhaq-dhaqaaqyada Ay Soomaaliya Ku Doc-wareemayso Qarannimada JSL.
August 12, 2016 - Written by Editor:

“Soomaaliya Iyo Somaliland Waa Laba Wadan Oo Jaar Ah, Doorashooyinka loo Qabanayana Cid Naga Metesha  Ma Jirto” –sacad-cali-shire

Hargeysa(W,N) –  Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaaanay  qayb ka ahayn Hannaanka Doorashooyinka Somalia ee dhici doona daba-qaayada Sannadkan lagu jiro,  isla markaana aanay waxba ka khusayn saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka loo soo xuli doono kuwaasi oo ay saluug kamuujiyeen xubnaha dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ee xilalka u doontay Xamar.

Wasiirka wasaaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay dhawaaq ka soo yeedhay xubno xilal u doontay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo saluug ka qaba saamiga loo qoondeeyey inay ka helaan kuraasta baarlamaanka dalkaas ayaa sheegay in Somalia ay yihiin waddan jaar ah, ayna Somaliland gooni ka tahay Somalia, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax u dhexeeyay 25-kii sanadood ee la soo dhaafay.“Soomaaliya iyo Somaliland waa labo wadan oo jaar ah, cid nagu matasha ma jirto Doorashooyinka ka dhacaya Somalia, horayna waanu u sheegnay, haddana waan ku celinaynaa, Arrimaha geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya wax innaga na quseeya ma ahan,” ayuu   Wasiir Sacad u sheegay BBC-da.Isagoo sii hadlayay, ayuu intaas ku daray, In Somaliland sanadka soo socda uu ku soo fool leeyahay Doorasho, taasna ay tahay mid khuseysa Shacabka deegaanada Somaliland ku nool, oo aanay quseyn Somalia.

COMMENTS
LINKS