DAAWO; Xukuummada Somaliland oo Golaha Wakiilada Hor-geysay Heshiiskii Dekada Berbera iyo jawigii ku lamaanaa Kalfadhigii Maanta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Xukuummada Somaliland oo Golaha Wakiilada Hor-geysay Heshiiskii Dekada Berbera iyo jawigii ku lamaanaa Kalfadhigii Maanta
August 6, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-  Xukuummada Somaliland ayaa maanta hor-geysay Golaha wakiilada Somaliland heshiiskii ay la gashey shirkada Dp World ee lagu  wareejinayay dekada Magaalada Berbera.

Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha Dibada, Qorsheynta, Maaliyada iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraatka Carabka ,  badanka xildhibaanada golaha wakiilada iyo guurtida Somaliland ayaa kasoo xaadiray fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo ka duwanaa fadhiyadii hore ee golahaasi maadaama heshiiska Xukuummada iyo Shirkada Dp World ay diidanyihiin xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Saaxil.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa heshiiska ay wada galeen xukuummada iyo shirkada Dp World ka hor akhriyey xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu u sheegay inaanay ka hor iman heshiiskan ee ay ansixiyaan, maadaama ay shirkada Dp World tahay shirkada caalamiya oo fursado ganacsi oo caalamiya ay Somaliland ka heli karto.

Wasiir Sacad Cali Shire waxaa uu mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ku adkeeyay inay si fiican uga doodaan heshiiskaas islamarkaana ay u codeeyaan oo aanay diidin.

“Hadduu inaga dhicisoobo heshiiska dekada Berbera waxaa dhici doonta in aynu lumino fursado aad u qaaliya oo aan mar dambe ina soo marin” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire waxaanu intaasi raaciyey “ Waxaad u codeysaan aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland”

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shir guddoominayay fadhigii maanta ee golaha wakiilada ayaa gabagabadii sheegay in xildhibaanada golaha wakiilada la siiyo wakhti ay ku akhriyaan heshiiskaas kadibna ay uga doodaan si loo ansixiyo.

Kalfadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ka duwanaa kalfadhiyadii hore ee golahaasi fadhiisan jiray maadaama ay mudanayaasha golahaasi kooxo kooxo u socdeen, kuwaasi oo qaarna taageersanaa heshiiska xukuumadu la gashey Dp World halka kuwo kalena ay kasoo Horjeedeen.

 

COMMENTS
LINKS