DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Ganacsiga Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa ka Jeediyay Madashii Xil Wareejinta .Muxuuse ka Yidhi Xilka loo Magacaabay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Ganacsiga Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa ka Jeediyay Madashii Xil Wareejinta .Muxuuse ka Yidhi Xilka loo Magacaabay.
August 22, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N) Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah Eng Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) ayaa maanta si rasmiya xilkii ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee dhawaan Madaxwayne siilaanyo u soo magacaabay.

Xafladan oo ka dhacday Hoolka Huteel Xaraf ee magaalada hargaysa Kana soo qaybgaleen masuuliyiin badan oo kamida wasiirada iyo badi shaqaalaha waynaha wasaarada ganacsiga ayaa waxaa  khudbad dhinacyo badan taabanaysa  ka jeediyay wasiirki hore ee wasaarada ahna Afhayeen Madaxtooyada Somaliland ee xiligan.

Eng Xuseen Aadan Cige ( Dayr)ayaa madasha ka jeediyay khudbad taariikhiya taasi oo uu kaga xaal waramayo xaalada guud ee dalka waxyaabaha u qabsoomay xukuumada siilaanyo mudadii lixda sano iyo dheeraadka ahayd ee ay xilka haysay iyo sidoo kale waxyaabihii u suurto galay mudadii uu wasiirka wasaarda ganacsiga ahaa.

Sidoo Kale Eng Xuseen ayaa soo dhaweeyay Xilka cusub ee madaxwaynuhu  Umagacaabay kaasi oo uu ku micneeyay in madaxwaynuhu markii hore wasaradan u magacaabay imikana uu xilkii hore uu u hayn jiray kusoo celiyay  kaasi oo uu sheegay in uu  soo dhawaynayo hadafkiisuna yahay sidii uu uga qayb qadan lahaa sidii qaranka somaliland horumar u gaadhi lahaa balse aanay ujeedadiisu ahayd kursi iyo kala jeclaysi masuuliyada qaranka .

https://youtu.be/FJVL3xnD7qU

COMMENTS
LINKS