Ciidamada Booliska Somaliland Oo Caawa Hor-Istaagay Qabsoomida Bandhig Faneed Ay Qaban lahayd Fanaanada Nasteexo Indho+Sababta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Caawa Hor-Istaagay Qabsoomida Bandhig Faneed Ay Qaban lahayd Fanaanada Nasteexo Indho+Sababta
August 13, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Wararka naga soo gaadhay qabsoomida bandhig faneen ay  qabanayeen faniin reer somaliland ah ayaa caawa ay hor istaageen ciidamada booliska Somaliland iyo gudida hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland qabsoomida bandhig faneed ay caawa hotel Crown ku qaban lahayd fanaanada Nasteexo Indho.

nasteexo indho 2

Waxaana bandhig faneedkan oo caawa loo balansanaa mar kaliya la arkay ciidamo tiro badan oo la wareegay hotelka ,waxana ay gudidu masuuliyiinta hotelka ku amreen inaan wax bandhig faneed ah lagu qaban Karin hotelka.

Amarkan lagu joojiyay bandhig faneedkan ayaa waxa sida ilo xog ogaal ahi noo sheegeen bixiyay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, waxana uu sheegay in bandhig faneedkani yahay mid dhaqan xumo u horseedi kara dhalinyarada Somaliland,

Gabagabadiina waxa sida naloo sheegay sidaasi ay ciidamadu ku baajiyeen bandhigaasi,wali waxa socda baadhitaano la xidhiidha sababta ay ciidamadu u horjoogsadeen bandhigani.

COMMENTS
LINKS