Akhri TOBANKA Ciyaartoy Ee Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhri TOBANKA Ciyaartoy Ee Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga ?
August 21, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Axad ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xidhiidhinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay waxayna koox kastaaba u furan tahay in ay samayso saxeexyo cusub.

KALA IIBSIGA SUUQA

hadaba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xidhiidhinayo

Qiimaynta  suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo  hadba waxaa lasoo saaray liiska  ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada wajaalenews  ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadal haynta badanyahay,

maanta waxaa hogaaminaya difaaca reer Senegal ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly kaas oo helay qiimeyn dhan 4.8 taasoo ka dhigan in Blues ay kusii dhawaanayso heshiiska xidigaan heerka caalami, inksatoo wararka qaar ay sheegayaan in ciyaartoyga juventus  ee Chiellini lala  xidhiidhinayo  kooxda chelsea

Nabil Bentalab ayaa lala xidhiidhinayo  inuu tagi doono kooxda reer Jarmal ee Schalke 04, xidigaan heerka caalami ayaan mudooyinkii ugu dambeeyay qadarin ka helin Tottenham.

Sidoo kale Mustafi ayaa kaalinta 4-aad kasoo galay  liiska maanta kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Arsenal wuxuuna helay xidigaan qiimeyn dhan 4.4.

Sidoo kale dufaaca tayada wanaagsan ee Atletico Madrid Gimenez ayaa isna lala xidhiidhinayo kooxda  Arsenal waxaana lagu qiimeeyay 4.2

Haddaba  halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:

Diyaariye: Wariye Hamse Jirde Axmed

COMMENTS
LINKS