|
|||||
WAJAALE NEWS
Xuutiyiin Lagu Laayay Xuduuda Dalka Sucuudiga.
July 31, 2016 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN):-Isbeheysiga uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa waxa ay sheegayaan inay duqeyn hawada ah ay ku dileen tobanaan kamid ah Xuutiyiinta. Kooxdaasi la dilay ayaa waxa ay shalay isku deyeen inay xoog ku gaaraan xuduudda Sucuudiga. Isbeheysiga waxa uu sheegayaan inuu ka hortagay duulaan ay Xuutiyiinta doonayeen inay ku qaadaan meel u dhow magaalada Sucuudiga ku taalla ee Najran. Laakiin todobo askrta Sucuudiga ka mid ah oo sarkaal uu ku jiro ayaa dagaalka ku dhimatay. Iskudhaca oo ah kii ugu xumaa ee muddo bilo ah waxa uu imaanayaa kadib markii dowladda Yaman ay sheegtay inay ka bexeyso wadahadallada ay Qaramada Midoobeey garwadeenka ka tahay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|